|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom oo casho sharafeed u samaysay 103 arday oo dhawaan ka qalinjabiyey Jaamacadda Timacade University ee Gabiley [Daaawo Sawirrada]
December 3, 2013 - Written by editorkale oo xafladdaa ka soo qaybagalay Badhasaabka Gobalka Yuusuf Ibraahin Geedi,Maayarka magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse,oday dhaqameedka Gobalka,ardayda casho sharafeedkaasi lagu maamuusayey iyo guud ahaan qaybaha kaladuwan ee magaalada Gabiley
Gabiley (Wajaale-News)Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa casho shatafeed quxubadan ku sagootiday ardaydhii ka qalinjabiyey Jaamacadda Timacade University ee magaalada Gabiley,munaasibadda xafladdaas oo si balaadhan looga soo shaqeeyey abaabulkeeda waxaa ka soo qaybgalay Maxamed Cabdi Axmed [Darbo] madaxa suuq geynta iyo xidhiidhka dadeynaha,Maxamed Muumin Gudoomiyaha shirkadda Telesom oo Gobalka Gabilay,Maxamed Dayib madaxa waaxda Iibka ee Gabiley,Axmed Aadan oo ah ka socday sarkaalsare oo ka socday xafiiska xidhiidka Gobalada ee Telesom iyo saraakiil xafiisyada Gabiley iyo shaqaalaha kale ee shirkadda iyo dadweyne kale oo farabadan kuwaas oo qiyaas ahaan gaadhayey ilaa 200 oo qof.
waxaa kale oo xafladdaa
ka soo qaybagalay Badhasaabka Gobalka Yuusuf Ibraahin Geedi,Maayarka magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse,oday dhaqameedka Gobalka,ardayda casho sharafeedkaasi lagu maamuusayey iyo guud ahaan qaybaha kaladuwan ee magaalada Gabiley.shirkadda Telesom oo looga bartay inay dhiiri galisyo hormarka bulshada gaar ahaan dhinaca waxbarashada waxay casho sharatan ugu talo gashay inay ku dhiiri galiso muuraalka ardayda lagu satootinnayey madashaasi.
Munaasibadda xaflada waxaa ugu horeyn ka hadlay Sheekh Cabdullaahi Makaawi oo ka tirsan culimada reer Gabiley waxaanu ka warramay sharafta iyo karaamada uu cilmigu leeyahay isla markaana waxa uu sheekhu sheegay in Sheekh ka mid ah culimadii hore oo diinta wax badan ka baadhay inuu sagaal boqol iyo dheeraad ka helay inta meelood ee lagu sheegay cilmiga ?Kitaabka ugu saxiixsan Bacda Kitaabillaahi[qur?aanka] waa kitaabka Bukhaari waxaanu kitaabkiisa kaga hadlay sheekhaasi waxka badan 300 jeer? ayuu yidhi Sheekh Makaawi.
Waxaa isaguma xafladdaa ka hadlay Gudoomiyaha shirkadda Telesom ee Gobalka Gabiley Sheekh Maxamed Muumin waxaanu ka warramay waxyaabaha ay shirkadda Telesom u qabato bulshada reer Somaliland gaar ahaan dadka reer Gabiley ?waxyaabaha ay shirkadda Telesom u qabato dadka reer Somaliland gaar ahaan Gobalkan Gabiley way badann yihiin waxaana kamida inaanu sanadkastaba qabano xaflado lagu waynaynayo xifdiga Kitaabka kariima ah? ayuu yidhi Sheekh Maxamed Muumin.
Dhanka kalana waxa uu xusay inaysan intaa ku ekayn taageerada ay Telesom ka gasato bulshada reer Gabiley waxaanu ka xusay qurxinta xagga laydhka ee Masaajidda lagu iftiimiyo iyo laydhadhkal agu xidho meelaha magaalada dhexdeeda ah ee xaaladaha dhexdooda ah si ay nabad galiyada wax uga qabtaan laydhadhkaasi.
Sheekh Kayse oo isaguna ku hadlayey magaca Ganacsatada Gobalka Gabilay oo halkaa ka hadlay waxa uu ku amaanay shirkadda Telesom inay kaalin mguleh ka qaadato had iyo goorba is garab taagga bulshada baahan dhinacay doontaba ha ahaatee,Mr Dayib waxaa kale oo uu sheegay xafladdan casho sharafta ahi inay noqon doonto Taageero ay reer Gabiley xusidoonaan taariikhda dambe kaalinta ay shirkadda Telesom ka gaysatay Jaamacadda Timacade University.
Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaammacadda Timacade University Dr Cismaan Magan waxaanu ka waramay taariikhdii hore ee aas aaskii Jaamacaddan iyo caqabadihii faraha badnaa ee ay soo martay iyo inay si dhibadan kaga soo gudubtay intii badnayd caqabadihii horyiilay bilawgii hore ee dadka qaarkood u muuqday markii ay shakhsiyaad kooban oo uu isagu kamid ahaa ay dabada ka riixayeen ?caawa waxaa sharaf weyn ii ah inay ducadii 1aad ee ka qalinjabisay Jaamacadda Timacade University ay shirkadda Telesom halkan casho sharafeed sagootin ah ugu samaynayaann? ayuu yidhi Professor Magan,dhanka kalana waxa uu mahad naq ballaadhan u soo jeediyey shirkadda Telesom oo gacaweyn ka gaysatay hirgakintii hore ee Jaamacaddan ilaa iyo hadda oo ay soo gaadhay u dabaal degidda sagootinta kooxdii ugu horeysay ee ka baxaday Jaamacaddan.
?Shirkadda Telesom waxaan ugu mahad naqayaa inay tahay shirkadii taageerada nala soo garab taagnayd ilaa xilligaa aan soo sheegay? ayuu yidhi Professor Magan,dhanka kalana waxa uu dardaaran ballaadhan u jeediyey ardayda Jaamacadda Timacade University kuwan caawa xafladda casho sharafeedkan ay u sagootinayso Telesom inaysan ku kifirin inay tahtiibaan ama ay dalkooda ka haajiraan ?waxaan idiin soo jeedinayaa oo aad iyo aad idinkula dardaarmayaa inaydaan ka haajirin dalkiina oo aydaan Yurub iyo meelo kale u tahriibin?
Professor Magan waxa uu ka warramay dhibaatada taalla meelaha ay dhalinyarada Somaliyeed badaha uga daadanayaan maanta ee ay mahtalakada dheer u marayaan ?maanta waxyaallaa majiraan Yurub oo anigaa ka imid kuwa joogaana waxay ka shaqeeyaan laysma waydiiyo waayo waa la garanayaa? ayuu yidhi Mr Magan.
Dhanka kale isaga oo wali sii sharraxaya dhibaatada ay xagga shaqada kala kulmaan taas oo ay kamid tahay shaqooyin aad u liita oo qofku markii uu dalkiisa hooyo joogay aanu waligii ku filkirin inuu ka shaqayn doono ?hadda hadaan idiin sheego wax yaabaha ay ka shaqeeyaan dadka dibadaha joogaa waa kuwo aad u liita oo qaarkood waxay ka shaqeeyaan inay xafaayadaha ka badalaan dadka waaweyn ee gab gaboobay? ayuu yidhi Professor Magan Gudoomiyaha Jaamacadda Timacade University.
Waxaa isaguna madasha xafladdaasi Casho sharafeedka ka hadlay ku xigeenka Madax suuqgeynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi [Darbo] waxaanu ka warramay taageerada ay shirkadda Telesom la garab taagan tahay bulshada reer Somaliland si gaar ahna ay ula socotay Jaamacadda Timacade Universtiy ?Shirkadda Telesom sida aad la socotaan waxay had iyo jeerba u taagan tahay taageera ay u fidiso shacabka reer Somaliland?
Mr Darbo waxa uu ka dhawaajiyey kaalintii ay ku lahayd dhismaha Jaamacadda Timacade kaas oo ay ku lahayd kaalin ballaadhan ilaa qalin jabintii ugu dambeysayna ha ahaatee ?Shirkadda Telesom waxay kaalin mugleh ka soo qaadatay aas aaskii Jaamacadda Timacade ilaa hadana waxay ku dadaalaysaa in ay marwalba la garab taagnaato wixii wixii hormarintaJaamacada ah iyo arrimaha Gobalka ah? ayuu yidhi Mr Darbo,dhanka kalana waxa uu sheegay inay shirkaddu qaadan doonto sidii caadada u ahayd qaarkamida ardayda ka soo baxday Jaamacadda Timacade ?intaa iyo intaa saasnu shaqaalaysiin idin i odhan maayo laakiin waxaan rajaynayaa ardayni mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba inay kamid noqon doonaan shaqaalaha Telesom? isaga oo wali hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi ?sida aad lawada socotaan sanadkastaba waxaa Jaamacadaha dalka ka qalin jabiya tiro aad u farabadan oo ku dhaw ilaa 3000 oo arday taas oo cuslays wayn ku ah shirkadda iyo dalkaba shirkadduna waxay ku dadaalaysaa inay wixii karaan keeda ah ka qaadan doonto dadka aqoonta leh ee ka soo qalin jabinaya Jaamacadaha kaladuwan ee dalka? ayuu yidhi Mr Darbo.
Mr Darbo waxa uu sheegay inay ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda Timacade ka mid noqon doonaan mustaqbalka dhaw iyo ka foggba shaqaalaha shirkadda sida aan rajaynayno in shaa Allaah? ayuu yidhi Maxamed Cabdi Darbo madaxa Suuqgeynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom.
Dhanka kalanna waxa uu dardaarankiisa ku daray inay dhalinyarada Jaamiciyiinta ahi shaqoon ka samaystaan xirfadihii ay soo barteen ?waxaan idiin soo jeedinayaa 103 diinaa aray ee caawa laga sagootinayo inaydun shaqoon laftiinu abuurataan hadii aad horey u heli waydaan shaqo oo ay daan Yurub iyo waddamo shisheeye u tahriibin waayo waad maqlayseen Professor-ka Jaamacaddiina? ayuu yidhi Maxamed Cabdi Darbo.
Mr Darbo waxa uu sheegay inay shirkadda Telesom tahay shirkadda kaliya ee ay dadku wada leeyihiin isla markaan u taagan inay dib wax ugu soo celiso dadka macaamiisheeda ah jeebadahooda ?shirkadda Telesom waa shirkada kaliya ee ay dadku wada leeyihiin waxaanay had iyo jeerba ku dadaashaa inay dadka macaamiisheeda ah jeebadahooda wax dib ugu celiso? ayuu ku xigeenka Suugeynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom.
dhanka kale Mr Darbo waxa uu sheegay inuu Gobalka Gabiley yahay Gobal khayraad badan isla markaana leh wax soo saar aanay lahay Goballada kale ee Somaliland sidaa darteed ay shirkaddu ay diyaar ulatahay Gobalba iyo Jaamacaddaba wixii hormarinta iyo wax soo saarka Gobalka “Gobalka Gabiley waa Gobalka ugu kharyaadka iyo wax soo saarka badan sidaa darteed shirkadda Telesom marwalba waxay dhiiri galinaysaa isla markaana garabtaagan tahay wixii lagu hormarinayo Jaamacada iyo wax soo saarka Gobalka” ayuu yidhi Mr Dadrbo.
Ugu dambeyntii waxaa iyaguma xafladdaasi ka hadlay Badhasaabka Goballa Gabile Mr Geedi iyo Maayarka magaalada Shucayb Maxamed Muuse waxaanay labada masuulba si isku mida uga hoosta uga xariiqeen baahida loo qabo inay bulshada reer Gabiley taareegaan Jaamacadda Timacade University isla markaana aysan waalidiinta Gobalku caruurahooda u rarim magaalooyinka kale ee Kabaxsan Galis ay waxbarasho tacliinta sare ee Jaacadaha ugu daraan jaacadaha kale ee ka jira Gobalada kale iyada oo ay Gabiley ka heli karaan waxa lagu dhigo Jaamacadaha kale.
WAJAALE NEWS DESK CONTACT US : Wajalenews@gmail.com GABILEY OFFICE
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|