Shirkad Faransiis Ah Oo Daboolka Ka Qaadday Xiisaha Ay U Qabto Maalgashiga Dekedda Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkad Faransiis Ah Oo Daboolka Ka Qaadday Xiisaha Ay U Qabto Maalgashiga Dekedda Berbera
December 18, 2013 - Written by Wariye:

Berbera (Wajaale News):-Shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska, ayaa ku dhawaaqday inay si aad ah u xiisaynayso maalgashi ballaadhan oo ay ku samayso Dekedda magaalada Berbera, isla markaanna gunaanad ku dhow yihiin wadahadalo arrintaas ku saabsan oo u socda xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Faransiiska ah.
berbera
Agaasimaha Guud ee Fulinta shirkadda lagu magacaabo Bollor Africa Logistics Mr. Dominique Lafont oo magaalada London ee dalka Ingiriiska waraysi ku siiyey shalay mareegta Port Finance International, waxa uu xaqiijiyey inuu jiro wadahadal muddo sannado ah socday oo ay kula jireen xukuumadda Somaliland si loo kala saxeexdo heshiis maalgashi oo lagu horumarinayo Dekedda Berbera.

Waxaannu dawladda Somaliland sannadihii la soo dhaafay kula jirnay wada-xaajood la xidhiidha maalgashiga Dekedda Berbera, wadahadalkaas oo soo maray marxalado iyo xaalado kala duwan. Markii labaad waxaannu ku sii dhow nahay in aannu soo gunaanadno arrintaas oo heshiis kala saxeexanno. Wadahadalku weli wuu socdaa, welise waxba islamaannu meel dhigin. Waxaannu si buuxda uga war haynaa in aannu isqancinno oo wax isla meeldhigno,? ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Fulinta Shirkadda Bollor Africa Logistics.

Waxa kaloo masuulkani sheegay in shirkadooda oo ah ta ugu horreysa ee maalgashi horumarineed ka samaysa dekedaha qaaradda Afrika ay si aad ah u xiisaynayso Dekedda Berbera, isagoo xusay in mashruucaasi fuddudayn doono ganacsiga gudaha iyo dibedda ee dalka Somaliland.

Mr. Dominique Lafont, waxa uu iftiimiyey in sababta shirkaddiisa Bollor Africa Logistics u xiisaynayso maalgashiga Dekedda Berbera ay salka ku hayso si suuq weyn looga helo dalka Itoobiya oo bilaa deked ah, kuna nool yihiin dad lagu qiyaasay ilaa 90 milyan oo qof, isagoo carrabka ku adkeeyey in Dekedda Berbera noqon karto albaab laga galo waddanka Itoobiya oo xilligan dhaqaalihiisu korayo, una baahan deked casri ah oo ay wax kala soo degaan, waxna ka dhoofiyaan.

Sida Lagu sheegay warka lagu faafiyey bogga internet-ka ee Port Finance International, maalgashiga shirkadda Bollor? Africa Logistics doonayso inay ku samayso Dekedda Berbera, waxa uu qayb ballaadhan ka yahay istaraatijiyad dhinaca maalgalinta caalamiga ah, maadaama shirkaddaasi hadda hawlgallo horumarineed ka waddo dekedo kala duwan oo ku yaal dalalka galbeedka iyo badhtamaha Afrika, waxaanay shirkaddu sheegtay inay  doonayso inay mashaariicdaas ku fidiso dhinaca dalalka bariga qaaradda Afrika.

Shirkadda Bollore waxay sannadihii u dambeeyey ku guulaysatay ballaadhin iyo maalgashi ay ku samaynaysay dekedaha Moroni iyo Pemba ee Jasiirradaha Komoros (Comoros) iyo dalka Musaanbiik (Mozambique) ee qaaradda Afrika.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Ayaan Xuseen Caynaan

COMMENTS
LINKS