Shirguddoonka Golaha Wakiiladda oo Heshiiyey xilli ay Maxkamadda sare hor taalo dacwadoodii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirguddoonka Golaha Wakiiladda oo Heshiiyey xilli ay Maxkamadda sare hor taalo dacwadoodii
December 28, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) fadhigii Golaha wakiiladda ee manta ayey mar kaliya ka soo muuqdeen Guddoomiayah golaha Wakiiladda iyo ku-xigeenkiisii Dacwada ka geeyey Maxkamadaha Dastuuriga ah iyo ta sare, waxaanay wada guddoomiyeen fadhigii Golaha ee manta oo ay kursiga laga hago isaga kaceen oo midkoodba mar hogaamiyey Golaha.

Arrintan oo dadka lama filaan ku noqotay ayaan la ogayn halka laga soo furdaamiyey maadaama C/raxmaan Cirro iyo Ku-xigeenkiisa Baashe ay dhex taalay xurguf siyaasadeed oo sababtay in ay isla tiigsan Maxkamad taasoo aan wali wax natiijo ah ka soo saarin khilaafkooda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa khilaafkooda hore ugu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeed oo kaga yimi dhinaca Madaxtooyadda, halka labada ku-xigeen ay u arkayeen arrin sharci oo dhinaca Garsoorka lagu kala bixi karo.

Ururka qareenada Somalilaand oo khilaafka shirguddoonka ka hadlay ayaa sheegay in uu ahaa mid siyaasadeed oo aan u Oolin waaxda Garsoorku in ay ka gar-naqdo, wallow Maxkamadda Sare iyo ta Dastuuriga ahiba aanay illaa hada wax go’aan ah ka soo saarin arrintan, xaalkuna u muuqdo horteed in banaanka lagu dhameeyey.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa isku dayey in uu dhex dhexaadin ka galo khilaafka shirgudoonka, sidoo kale Guddoomiyaha Guurtida ayaa dhinaciisa tijaabiyey, halka guddi Goluhu u saarayna ay dhankooda ka baacinayeen arrintan, hase yeeshee lama oga midkooda ku guulaystay in uu Odayaasha arrintooda dhameeyo.

Ilo wareedyo u dhuun daloola kulan xalay Hotelka Maan-soor ku dhex maray shirguddoonka ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ka Odayeeyey isagoo adeegsanaya saaxiibtinimadoodii xiligii uu ka mid ahaa shirguddoonka Golahaas oo uu u dhaxeeyey Guddoomiye Cirro iyo Baashe oo xiligaa ahaa ku-xigeenka labaad halka uu Samaale ku-xigeenka kowaad ka ahaa.

Si kasta ha ahaatee lama oga Wasiir Samaale iyo inta isku hawshay furdaaminta arrintani halka ay dhigeen qoddobadii la isku haystay inkasta oo ay saaka soo bandhigin Heshiis indha-sarcaad ku noqday Dadweynihii ka xaadiray fadhigii Golaha Wakiiladda

 

wajaalenews.com desk

hargeisa office.

COMMENTS
LINKS