|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirguddoonka Golaha Guurtida Oo U Holaday Hakinta Dooda Qaran iyo Madaxtooyada Oo La Sheegay In Laga Soo Maleegayo Mooshin Xilka Lagaga Xayuubinayo Cabdiraxmaan Ciro
December 14, 2013 - Written by editorGuddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa u sheegay shir guddoonka Guurtida in doodan qaran ay ku sixi doonaan waxyaabaha ka qaloocan Xukuumada, balse aanay ahayn mid dalka iyo dadkaba wax dhibaato ah ku keeni karta.
Hargeysa (Wajaale-News) – Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay kulamo qarsoodi ah xafiiskiisa kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).
Kulamadan oo salka ku haya Marti Qaad la sheegay in uu Guddoomiyaha Golaha wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani uu dhawaan u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) si uu uga soo qayb galo Dooda qaran ee ay xisbiyada Mucaaradka ahi qaban qaabadiisa ku hawlan yihiin. Shirguddoonka Golaha Guurtida oo uu hor kacayo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada sidii loo joojin lahaa doodaas, taas oo uu sabab uga dhigay in ay Somaliland u horseedi doonto kala qaybsanaan siyaasadeed. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa u sheegay shir guddoonka Guurtida in doodan qaran ay ku sixi doonaan waxyaabaha ka qaloocan Xukuumada, balse aanay ahayn mid dalka iyo dadkaba wax dhibaato ah ku keeni karta. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in siyaasiyiinta gacanta ku haya, kana soo jeeda xisbiyada Mucaaradka ah ee Wadani iyo UCID aan looga jecel badnayn Somaliland. Kulamadaasi ayaa sida ay ilo wareedyo ka ag dhawaa ay Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen ku soo dhamaaday natiijo la?aan ay la laabteen Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland. Dhinaca kale Madaxtooyadda Somaliland ayaa la sheegayaa in ay wado qorshe lagu minjo xaabinayo Guddoomiyaha Golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kulamo dhawrkii habeen ee ugu dambeeyay qasriga Madaxtooyada ay ku yeesheen Marwada Koowaad ee Dalka, Xildhibaan Cali Xasan Maxamuud (Cali Mareexaan), Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo Labaad ee Wakiilada iyo Wasiirka Madaxtooyadda ayaa lagu soo bandhigay qaabka ay u wajihi doonaan sidii kursiga looga tuuri lahaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Falaadha ugu weyn ee xubnahani ay ku qiiniineen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa ah shirka dooda Qaran oo uu hada shidhka ugu jiro, waxaanay u arkayaan hadii mooshin xilka lagaga xayuubinayo la soo dhigo golaha Wakiilada in ay waxoogaa ka suuli doonto mucaaradada adag ee Xukuumada kaga soo jihaysan dhinaca Xisbiyada Mucaaradka ah. Ilo wareedyadaasi ayaa intaasi ku daraya in la isla meel dhigay sidii aduun lacageed loogu sabaalayn lahaa Xildhibaanada aan xukuumada kula aragtida ahayn in Kursiga laga tuuro Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Si kastaba ha ahaatee xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID Iyo Wadani ayaa isu bahaystay sidii ay xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u tusi lahaayeen xanuunka ay leedahay Mucaaradada iyo wax toosintu.
WAJAALE NEWS DESK HARGEISA OFFICE CONTACT US : Wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|