SAXAFIGA iyo FANAANKU waa labada wadiifadood ee maanta somaliland ka banaan, shuruud la´aana waa lagu galaa!!!!!!??? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SAXAFIGA iyo FANAANKU waa labada wadiifadood ee maanta somaliland ka banaan, shuruud la´aana waa lagu galaa!!!!!!???
December 12, 2013 - Written by Wariye:

Shaqala,aantaa baahsani ee weliba sigaara u saamaysha da,yarta wadanka si gaara intooda ka soo baxda jaamacadaha inay miciiinbidaan
dhamaan waxaan salaamayaa bulshada somaliland ,waxaan kaloo salaamayaa bahda saxaafada qaybaheeda kala duwan inta ka caafimaadka qabta ee ku dhaqanta mabaa,diida saxaafada xortaa.
abdirashid osman
wadanka waxaa ka jirta shaqala,aan baahsan oo runtii aan xal dhow loo haynin inkastoo dhaqdhaqaayo hadana laga dareemayo koobkooban dhinaca dowlada iyo dhinacya kaloo yagu sigaara isugu howlay ,haday aqoonyahano yihiin iyo ganacsataba,shaqala,aantaa baahsan asbaabteeda cidna kama qarsoona in badana waa laga hadlay ,lakiin sababta loo aanaynayo inay kuleedahay saamaynta wayn waxa weeye dhaqaala darida ka jirta jamhuuriyada taas

oo aan odhan karo waaba mucjiso sida aynu umuuraheena u deberano halka ay dalal badan oo  caalamka ka mida oo ictiraaf iyo ilo dhaqaaleba lihi ay ka taagantahay dhibaatooyin fara badani,waxaa kaloo soo raaca istiraajiyad la,aanta inkastoo taa lafteeda la odhan karo yada lafteeda caqabado badan baa hortaagan,waayo markaa shay istiraatiijiyad u dejinayso waa inaad heshaa ama haysaa waxyaalihii kugu dhiiri gelinlahaa ama kugu caawin lahaa .

Shaqala,aantaa baahsani ee weliba sigaara u saamaysha da,yarta wadanka si gaara intooda ka soo baxda jaamacadaha inay miciiinbidaan tahriib oo ay naftooda mahlakat geliyaan,halka qaar kale lafadhiisteen tacliintii ay soo wadeen mudada dheer ee ay ku soo tacbeen ,halka tiro koobani howla kale oo wadanka iyo bulshadaba dhibku ah u baydheen .

dhinac walba maanta markaad ka eegto wadanka waxaad garan kartaa inaanay jirin meel loo shaqatago haday noqoto ilo dhaqaale oo waawayn oo wadanka laga sameeyo sida warshadaha,shirikado waawayn,meelaha keliya ee laysugu uruuray waa wasaaradaha,hay,adaha yaryar ama injii ooyada wadanka jooga waxaanan la garankaraa inta ay meelahaasi qaadi karaan shaqaale.

dhibta kale waxaa weeye dhalinyaradii oo yaga laftoodu fadhiid maskaxda ka noqday oo curinkari waayey afkaaro mashaariiceed iyo shaqooyin yaryar oo ay quutul daruurigooda kala soo baxaan.

labada se wadiifadood ama mihnadood ee maanta wadanka ka banaani waxa weeye SAXAFIGA IYO FANAANKA,labadaa shay oo aad uga dheehan karto in ay dhalinyaradu aad ihtimaam u siiso una tartanto madaama oo ay noqdeen saaxado iska banaan oo cid waliba iska geli karto,si aan dheel dheel ahayn hadaynu labadaa mihnadood uga yara hadalo waxaynu ogsoonaha in labaduba ay ahaan jirii laba shay oo qiimo kule wadanka walow ay SAXAAFADU inagu cusubtahay hadana sidd ay ku bilaabantay iyo dadkii bilaabayba waxay ahayd si aad u heersare ah dad masuuliyadaa qaadi karaana ay hayeen oo gacanta ku dhigeen,waxaynu wada ogsoonahay inay sharaf ku lahayd saxaafadu wadanka oo ka hadli jirtay siyaasad yadoon cidna aan aflagaadayn garabna aan cid saarin,waxay ka hadli jirta arimaha bulshada iyo dhibta haysata,waxay ka qayb qaadan jirta isu soo dhawaynta bulshada iyo xalinta khilaafaadka,waxay ka dhowrsanaan jirtay wax waloo dhib keeni kara inay faafiso oo wax ka qorto yadoo ka duulaysa masuuliyada ka saaran shacabkeeda,saxaafadii halkaa ka bilaabantay maanta waxay gacanta u gashay kuwa aan ehel u ahayn oo aqoon u lahayn kuwii markaa bilaabay ee halkaa soo gaadhsiiyeyna maanta ay daaqada ka saareen iyo qaar iskood isakaga baxay saaxadaa markay ku cidhiidhsheen qolyahan soo galeetigu.

Dhinaca kale FANKII miisanka lahaa ee murtida iyo hadafka laga lahaan jiray maanta isna sidaa si leeg wuxuu gacanta u galay kuwo aan aqoon ulahayn oo isle uun ka dhex muuqda ama magac ka hela oo halaydin yaaho hebel waa fanaan,runtii markaad u fiirsato waa iskuwada muuqaal,waa isku wada cod isku miyuusik,hadaad hees ka dhegaysato mid kale ugu noqon maysid waayo kelmadii murtidii baa laga qaaday macne ay samaynaysona garan maysid iyo ujeedada loo sameeyey.

labadaa mihnadoodaba maanta waxaan ku tilmaami karaa way nabaad guureen sida dhulku u nabaad guuro waana labada shay ee maanta gacmahooda u furay cidwalba khaasatan dhalinyarada,waxaad arkaysaa mid saxafi lagu sheegayo oo da,diisa aad ku qiyaasi karto 17 ilaa 19 jir oo kamarad loo dhiibay laguna odhanayo orod oo meel heblaha tag oo wax ka soo qor ,hebel soo warayso,meeshaad doonto gal cidi kuuma diidi karto ileen saxafi baadtahaye xoriyatul qowlna caalamkaa ina yaaha waa leedihiin,waana waxa ay had iyo jeer aynu u maqlaynaa SAXAFI hebel baa la xidhay oo maxaa lagu xidhay waa asbaabahaynu soo sheegnaybaa keenaya,bal akhristow u fiirso WERIYAA LA XIDHAY AMA SAXAFI HEBEL BAA LA XIDHAY maxaa lagu xidhay weli cid iswaydiinaysa miyaa aragteen waxaad maqlaysaa uun hala soo daayo,waa  wax yaalaha aad aadka ula yaabayso meelna kama dhacdo inta saxafi shaqadiisii si nidaama u wata in layska xidho,kuweena aflagaadada waxay ka dhigteen caado,waxay soconayaan ilaa meelaha inoo ah amni qowmiga  ciidam bay doonayaan inay sirahiisa faafiyaan,airport kay doonayaan inay dhamaantood gudaha o galaan .

waxaasi waxay u dhacayaan waxa weeye waa ehelkeedii baan joogin saxaafada budhcad saxaafadeed weeye waa laga xoogsadaa ,qaar ashkhaas baa adeegsata orodoo hebel wax ka soo qor waxaan jirinba!! sharci u kala xadeeya waajibaadkooda iyo xuquuqda lagu leeyahay iyo kuway leeyihiin midna ma jiro hadii loo sameeyana waa nala cabudhiyey uun bay odhan!!!

Fanka laftiisu waxba ma dhaamo waxaad ku dhex arkaysaa gabadh ama wiil jooga cimrigii uu wax baranlahaa ooo ilaa 18 jir ilaa 20 jira oo heesaya kelamduhuu ku heesayo lagama yaabo inuu macnahooda garanayo!! iskadaa ujeedee,cod looma eego oo lama yaaho codkaagu ku soo biximaayee orod oo wadiifad kale doono,heesaha iyo codadkoodu waa iskuwada nooc hadaad mid dhegaysato kakalee aad dhegaysataana waxaad is odhanaysaa makii uunbaa,hablihii fanka ku jiray ee xishoon jiray ee xushmada lahaa waxaa bedelay kuwo qaawanaanta mooday ilbaxnimo fankana intaaba u haysta in fanku yahay dharqaawan gasho,si laguu yaaho hebli waa fanaanad codku muhiim maaha lakiin muuqaalku waa inuu dadka soo jiitaa,( waaba jidh lil bayca).

Guntii iyo gabagabadii waxaan uga jeedaa maaha wadiifado aan leeyahay hala doonto way wacanyihiin ama way banaanyihiin ,lakiin ujeedadu waa halka ay wax waliba isu dhalan rogeen dadkii ehelka u ahaa wadiifadahaasna aanay maanta u hayn khaasatan labadan mihnadood,akhristow waxaynu ognahay in labadaas shayba ay saamayn ku yeeshaan bulshada si positive iyo si negitiveba,maanta se maadaama oo soo saarkodii iyo bandhigoodii noqday negitive saamayntooduna way ka sii xuntahay waayo dariiqii saxa ahaa mahayaan.

 

waxaan rajaynayaa siiba saxaafada somaliland in gacanta loo geliyo dadkeedii,sharciyad kala hagtana loo sameeyo,saxaafadu inay xor noqotaa waa shay muhiima lakiin waa inay masuul noqtaa on ather hand.

(shaqo la,aani haday ku hayso labadaa wadiifadood baa banaan,,,,,,,,,)

allaa mahadlle.

abdirashid osman

abdirashidsmn@yahoo.com

Hargaysa Office
Wajaale News

COMMENTS
LINKS