“Reer Burco Waxaan Leeyahay Bootada Iyo Yaac-Yaaca Joojiya, Beesha Waqooyiguna Hadii Labada Beelood Ee Kale Wax Kala Dhexgalaan Si Dhexdhexaada U Kala Dhexgala” Xildhibaan Cumar Waaye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Reer Burco Waxaan Leeyahay Bootada Iyo Yaac-Yaaca Joojiya, Beesha Waqooyiguna Hadii Labada Beelood Ee Kale Wax Kala Dhexgalaan Si Dhexdhexaada U Kala Dhexgala” Xildhibaan Cumar Waaye
December 27, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa, -(wajaalenews) – Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka mid ah xubnaha golaha Guurtida Somaliland ugu jira gobolka Togdheer ayaa shacbiga ku dhaqan magaalada Burco ugu baaqay inay ka

 

Hargeysa, -(wjn) – Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka mid ah xubnaha golaha Guurtida Somaliland ugu jira gobolka Togdheer ayaa shacbiga ku dhaqan magaalada Burco ugu baaqay inay ka fogaadaan mudaharaadyadii rabshadaha watay ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca keenay ee todobaadkan ay ku kaceen, ugana digay fal kasta oo amaan daro oo keeni kara isku dhac iyo qalalaase.

Xildhibaan Cumar Waaye ayaa sidoo kale u soo jeediyay beelaha ku dhaqan Burco inay wadajirkooda iyo nabadgalyadooda ilaashadaan, isagoo beesha waqooyiga Burco-na ugu baaqay markay xaaladi dhex timaado beelaha galbeedka iyo bariga Burco inay kala dhex galaan.

Mudane Cumar Nuur Waaye oo shalay Haatuf ugu waramay xarunta golahooda ayaa ku bilaabay hadalkiisa ?Waxaan baaq nabadeed u dirayaa shacbiga Burco ee dhawaan ku kacay mudaharaadkii khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sababay, waxaan leeyahay reer Burco isku yaac-yaaca inaydin ka korteen ayaa la filayay, waxa Burco maanta ka dhhacay waa waxaan la filayn. Waxaanu leenahay Burco waa inay isku talo iyo tawfiiq ahaadaan, waxaanu idiinku baaqaynaa in wixii gudaheena ka taagan wada hadal ku dhamaysaan iskuna duubnaataan, kana waantowdaan xaaladaha maanka waxyeelaya, anagoo ka mid ah Togdheer ee golayaasha Baarlamaanka aad bay noo damqaysaa dadkii Burco wada deganaa ayaa isku yaac-yaacay, waxaa dhacayna inaanay dib u dhicin ayaanu idiinku waaninaynaa?

Md Cumar Waaye isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan idin leeyahay reer Burcow dad wanaagsan oo isku garaaba ayaad tihiin, balse Booto aanay lahayn bulshada reer Somaliland ee gobollada kale ee dalka ku dhaqani ayaad leedihiin, waxaan idin leeyahay Bootada degdega ah iska daaya.

Beesha waqooyiga Burco-na waxaan leeyahay haddii labada beelood ee walaalaha ah aad tihiin ee Burco wada degan tihiin ay wax kala dhexgalaan si wanaagsan oo dhexdhexaada u kala dhexgala, oo arrinka laysku qabto wax ka qabta, wixii xaalada nabadgalyo daro ah ee yimaadana damiya oo qaboojiya”.

Haatuf

 

COMMENTS
LINKS