Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah xilka ugala Wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah xilka ugala Wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia
December 26, 2013 - Written by Editor:

Muqdisho (Wajaalenews) — Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah xilka ugula wareegay ra’iisul wasaaraha cusub, C/weli Sh. Axmed Maxamed, iyadoo munaasabadda ay goob-joog ka ahaayeen ra’iisul wasaarihii hore ee xilka wareejinayay, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafladda xil wareejinta ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa dhammaan wasiirradii xukuumaddii hore, iyadoo xafladda uu xiriiriinayay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Ra’iisul wasaaraha xilka wareejinayay, Cabdi Saacid oo ugu horreyn hadal ka jeediya munaasabadda ayaa sheegay in 15 bilood ka hor uu goobtan maanta munaasabaddu ka dhacaysay uu sidan oo kale xilka kagala wareegay C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ahaa ra’iisul wasaarihii Xukuumadii KMG-ka ahayd, xilkuna yahay meerto, uuna maanta ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo, C/weli Sheekh Axmad Maxamed oo ay saaxiibbo dhow ahaayeen muddo 30 sano ah.

Sidoo kale, Saacid ayaa faallo kooban ka bixiyay waxqabadka xukuumadiisa muddadii ay jirtay, isagoo xusay in horumarro badan laga gaaray arrimaha gudaha, arrimaha Dibadda, gaar ahaan sugidda amniga, dhaqaalaha iyo soo celinta xiriirka caalamka.

 

Muqdisho  office

contact;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS