Ra´iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo lagu amray in uu xukuumadiisa soo dhiso ka hor 10-ka January | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra´iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo lagu amray in uu xukuumadiisa soo dhiso ka hor 10-ka January
December 22, 2013 - Written by Wariye:

Muqdisho(Wajaale News):-Ra´iisul wasaraha cusub ee Somaila Cabdi Wali Shiikh Axmed ayaa loo sheegay in uu xukuumadiisa la yimaado  ka hor 10-ka bisha Janaayo markaas oo xildhibaanada baarlamanka Somalia ay fasax gali doonaan.

Afahayeenka Baarlamaanka Somalia, Maxamed ShiikhCismaan Jawaari ayaa sheegay in aan la baajin doonin fasaxa baarlamka sidaas darteed ay muhiim tahay in xukuumada la hor keeno baarlamaanka ka hor 10-kabishan .

Waxaan rabnaa in aan galno fasax oo aan soo xirno kalfadhihii 3 aad ee baarlamanka sidaas darted waxaan ka codsaneynaa ra’iisulwasaaraha in uu xukuumadiisa soo dhiso ka hor 10-ka janaayo si ay u hor timaadobaarlamanka ayuu yiri Jawaari.

Ra´iisul wasaaraha cusub C/wali Shiikh ayaa maalintii shalay aheyd waxaa cod aqblabiyad leh ku meel mariyay baarlamanka Somalia waxaana warbaahinta uu u sheegay in uu deg deg ku soo dhisi doono xukuumadiisa  oo lagu wado in ay kabad naato xukuumadii Saacid.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS