|
|||||
WAJAALE NEWS
Qorshe dawladeed , Mise Qaadhaan joogto ah :
December 30, 2013 - Written by Editor:WAJAALENEWS Laba dariiq ayaaanay Dhaqaalle ahaan ku xalin jireeen , Qaadhaan rasmiya , tus ahaan Magta iyo Ganaaxyadda la xidhiidhi bixinta Dadwayawga Soomaaliyeed ee ku nool geeska afrika , Isir ahaana ay ka mid yihiin Dadka reer Somaliland waxay lahaan jireen Qaab-nololeed leh Qiyam iyo Hab ay ku maareeyaan Dhibaatooyinka lasoo darsa ama lasoo gudboonaadda .
Qaab-dhismeedka Bulshadda oo u habaysnaa Nidaamka Tololka iyo Qabaailka ayaa keenay in laga lahaaddo qoyshayaal la jaan qaadaya Xeerka iyo Duruufaha Reeraha ee aan lahaan jirin Nidaam dawladeed oodhexe , Cashuur la qaaddo iyo Hanaan dawladeed . Bulshadda Soomaaliyeed oo u badan reer guuraa aan lahayn Degaan rasmiya oo loogu hagaago iyo Talis dhexe oo xukuma , taasina waxay keentay inaan Soomaalidu lahaan jirin qorsheyaal ku aadan Mustaqbalka iyo Timaadada waxaase ay sameeyeen Qorsheyaal lagu Xaliyo dhacdooyinka iyo hadba wixii lasoo gudboonaadda .
Laba dariiq ayaaanay Dhaqaalle ahaan ku xalin jireeen , Qaadhaan rasmiya , tus ahaan Magta iyo Ganaaxyadda la xidhiidhi bixinta Culaysyadda yimaadda , taasoo si qayb qayba ama reer , reera loo wada bixin jiray ama looba wada bixiyo ilaa hadda .
Iyo Qaadhaan aan rasmi ahayn oo lagu xaliyo Mushkiladaha aan Xeer laga lahayn sidda , Caawimadda , Qaabilaadda ergooyinka , iyo Dhibaatooyinka yaryar , taana waxa la sameeyaa in dadka si saf marra looga uruuyo qaadhaaan ku salaysan qof iyo hayntiisa , halka qaadhaanka rasmiga ihi ka yahay xaddi go an .
Haddaba Nidaamka Dawladeed oo gabi ahaanba ka duwan Qaab-dhismeedkii reeraha iyo Tololka ayaa leh Hab joogto ah oo lagu hagaajiyo , laguna horimariyo Dalalka iyo dadka degen .
Dawladuhu waxay sameeyeen Qorshe dawladeed oo ku Salaysan Dakhliga dawladda iyo Horimarinta Dalka oo la isku sargooyo , loona sameeyo Jaan-goyn iyo qorshe guud oo horumarineed .
Dalalku waxay Dejiyaaan Qorshe Dawladeed oo ku Aadan tusaaalle ahaan 20 sanno ee soo socda , Mudadaa 20 sanno ahna Miisaaniyadda dawladda , Xeerarka soo baxaya , Siyaadda xukuumadda ee dhan kasta ahi waxay ku salaysanyihiin Khaanadaha loogu talagalay in lagu gaadho Qorshaha la dejiyey , Talaabo kasta oo la qaadaana waa mid ku salaysan gaadhista qorshahaa la dhigtay .
Tusaalle ahaan , Ardayda kasoo baxaysa Jaamacadaha iyo dugsiyadda sarre , tiradooda iyo takhasusyadda ay wataan , Taranka Xoolaha , Tacriifadaha iyo Cashuuraha la dejinayo , waxaa lagu saleeyaa qorshaha guud ee la higsanayo iyo ku haboonaanshahoodda .
Dawladuhuna Markay dajiyaan Qorshahoodda Islamarkaana ay sameeyaan Siyaasadihii lagu gaadhi lahaa qorshaha la dejiyey , waxay ku dhaqmaan 3 Tallabo :-
1-Qawaaniin ku haboon kuna salaysan qorshaha guud iyo siyaasadda lagu gaadhayo Himiladda la hiigsanayo .
2- raacista Qorshaha degsan iyo ilaalinta Talaabooyinka la qaadayo oo lagu saleeyo qorshaha guud , Qiimaynta Hadba heerka laga gaadhay himiladda guud .
3-Qaayibid /Joogtayn , Dawladuhu waxay ku adkaystaan oo joogteeyaan ku dhaqanka Qawaaniinta iyo raacista Qorshayaashoodda , oo ay ku saleeyaan Talaabo kasta oo ay qaadayaan .
Haddaba waxay is waydiintu tahay , Somaliland ma waxay u baahantahay qaadhaan-joogto ah , iyo Qaydka oo loo lulo hadba helitaanka dhaqaalle lagu qabyo tirro baahi muuqata , mise Qorshe dawladeed iyo Qawaaniin lagu dhaqmo oo la isku ogaaddo laguna mitiddo ? COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|