Qalin iyo Qabiil Midkee u talin kara Dalka?!!! Aragti yar aynu ka bixino qalin iyo qabiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qalin iyo Qabiil Midkee u talin kara Dalka?!!! Aragti yar aynu ka bixino qalin iyo qabiil.
December 29, 2013 - Written by Editor:
WAJAALENEWS ;Qalinku waa wax uu Illaahay (swt) u hor abuuray dhamaan makhluuqaadkiisa, waana shayga ugu qaalisan ee dhulka korkiisa yaala ……….

Qalinku waa wax uu Illaahay (swt) u hor abuuray dhamaan makhluuqaadkiisa, waana shayga ugu qaalisan ee dhulka korkiisa yaala mansab iyo awoodna siiya banii-aadamka, Qalinku waa ka dawladaha horumaray ay adduunka intiisa kale ugu mana sheegtaan.
Sida caadiga ah qalinku waa aabaha horumarka, wadada dhaqaalaha, bulshada, midnimada iyo isku duubnaanshaha umada.
Qalinku waa midka isbadal dhab ah saameeya, xaga maamulka, dhaqaalaha, amaanka, bulshada, dhaqanka, tiknoolojiyada, siyaasada iyo deegaanka iyo waliba wixii horumar keeni kara.

Laakiin in la helo arintaas waxay ku xidhantahay in la helo Hogaan daacad ah iyo bulshada Somaliland oo la timaada dedaal isla markaana dhinac kasta oo nolosha ka mid ah kor uqaada.
Qabiilka:-

Qabiilku wuu macno badan yahay waxaana laga qori karaa in ka badan hal buug iyo laba buugba, laakiin waxaynu kazoo qaadan doonaa dhowr qodob oo ku saabsan qabiilka.
Qabiilku waa bulsho meel ku wada nool oo isku abtirsiimo ah isla markaana ka soo jeeda magac Lab ah, kuwaas oo Illaahay (swt) sabab uga dhigay in ay bulshadaasi sii bixiso farac iyo taran. Ujeedada uu Illaahay (swt) u abuuray qabiilkana waa in ay dadka banii-aadamka ahi isku gartaan iskuna aqoonsanaadaan, iyada oo aanay banaanayn in loo isticmaalo ama loo fasirto sifo kale oo ka gedisan sifadaasi oo aan marnaba loo isticmaali karin kala sarayn iyo kala hoosayn iyo Laangaab iyo Laandheere toona, taas oo uu Illaahay (swt) ku sheegay Quraanka kariimka ah.
Isticmaalka Qabiilku intuu xaq u leeyahay mooyee inka badan oo aanuu xaq u lahayn hadii loo adeegsado waxay keenaysaa in laga dhaxlo, waxyaabo badan oo dhibaato iyo dib udhac laxaad leh ku keenaysa bulshada Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Amaan-darro, dib udhac iyo collaado, feker la’aan iyo caqiidada diinta islaamka oo lumaysa iyo mustaqbalka umada oo runtii ku

dhacaya meel mugdi ah isla markaana aan laga soo kaban Karin, arintaasi waaba haddii aanay ku dhicin cadho Alle oo ku timaada bulshadaas.
Aragtiyo dhawr ah oo sharaxa macnaha qabiilka ayaa waxay ukala saaraan laba eray oo kala ah (Qab iyo iil) kuwaas oo loo fasirayo ama sheegaya (Qab) oo macnaheedu tahay (isla-weyni iyo ismoodsiin qofku waxa aanu ahayn iyo (iil oo macnaheedu yahay Guriga dhabta ah ee qofkasta oo banii-aadam ahi ku dambayn doono, halkaas oo uu qofkastaa kala kulmayo wixii camal ahaa ee uu aduunyada kuqaban jiray abaal marinteeda)
Mar labaad Qabiil waxaa uu noqdaa magac, waana qofkii ugu horeeyey aduunka ee dila qof banii-aadam ah, kaas oo ahaa dhalay Nebi Aadem (scw) inankii Qabiil ee dilay inankiisii kale ee Haabiil.
Hadaba waxaa iska cad in bulshada wax baratay marnaba aanay aqbali Karin in uu qabiil u taliyo, tiiyoo qalinkooda barwaaqo iyo horumar ay ku gaadhi karaan. Sida ay sheegaan aragtiyaha ugu caansan aduunka iyo buugaagta taariikhda ah, ee darista tadawurraadka, ilbaxnimada & horumarka aadamaha iyo dhinacyada la deriska ah uumiyaha sida, dhaqaalaha, dawladnimada, siyaasada, dhaqanka, tiknoolajiyada iwm.
Bulshadu waxay martaa heerar kala duwan sida heerka loo yaqaano (Primitive Society) oo xaga waxqabadka iyo talada marka laga eegayo loo yaqaano (Natural Division of Labour) kaas oo ku xidhnaa shaqsiyada qofka shaqaduna u qaybsanayd, iyada oo la tix-gelinaayo ahaanshaha lab iyo dhidig, waynaan iyo yaraanba, halkaasi oo dadka waaweyn ee raga ahi ay ugu jiraan bulshada door maamulka xaga da’yartooduna ahayd kuwo la maamulo, sidaasina kaafi ku ahayd wada shaqaynta bulshadaasi, taasna waxaa xigay in bulshadu usoo gudubto (Slave Soceity) taas oo ahayd midi ugu liidatay ee aduunka soo marta ummadan inta ugu awooda badan inta kale adoonsato oo ay ula dhaqmaan sidii xoolaha oo kale, taasina waxay ahayd mid reebta murugo iyo dhibaato dhaxal xumo reeb ah.
Haddana waxaa la soo gaadhay marxalad loo yaqaanay (Feudal Society) marxaladaas waxay ahayd mid dad u qaybsanaayeen laba qaybood oo kala ah (Landlords) iyo (Peasants) nin dhul leh ama baloodho leh iyo nin ushaqeeya noloshii isha dhaqaale ee dadku haysto ayaa noqotay dhul, dhulkuna haddii laga faa’ideysto oo la beero ama

la dhiso waa xubin wax soo saar qaali ah haddii kalena waa sidan cagsigeed.
Siday nolosha bulshadu kolba heer usoo maraysay ayaa waxaa lasoo gaadhay “Capitalist Society”
Kaasoo noqday markii ugu horaysay ee uu dhashay kacaankii warshadaha umadana u noqday ubax kasoo baxay wadanka carriga Ingiriiska (Britain) heerkaas wixii ka dambeeyey waxaa bilaabmay in Banii-aadamku noqdo wax qaaliya aqoonta iyo qalinkuna noqdaan kuwa dhibkasta lagaga maarmay.
Hadaba waxaan maanta cidina daah ka saarnayn in dhalinyarada sida shinida ugasoo baxaysa jaamacadaha dalka iyo kuwa dalka dibadiisaba, ay yihiina kuwii abuuri lahaa isbedel maamul oo umadan dhulkoodii qaniga yahay dhalinyaradeediina saxaraha iyo baddaha ku dhamaatay loogu taliyo. Loona qorsheeyo barnaamijyo lagu horumariyo dhaqaalaha, maamulka, siyaasada, deegaanka, waxbarashada iyo dhamaan adeegyada aas-aasiga ah ee ay masuulka ka tahay xukuumadu; waa nasiib darro 1991-kii ilaa 2013-kii mudadaas dheer inaynu kaafiyi kari wayno (Service Delivery) ee ay ka midyihiin:- Biyaha, tamarta, caafimaadka, tacliinta, wadooyinka iwm. Waxaa loo baahan yahay horusocod, loomana baahna in umada lagu qanciyo Nabad ayaynu haysanaa, laakiin waa in umada lagu qanciyaa waxqabad muuqda oo macno leh in giddaaro dhagaxa la dhiso sagbaddo waaweyna la hor dhigo waxaa ka mudan in la dhiso shaqaalaha ku hoos jiro, baahiyahooda si loo helo maskax iyo muruq waxqabadkoodu fiican yahay.
Dawladnimada jiritaankeedu waa shacab danaynaya iyo bulsho ku qanacsan siyaasada maamul ee xukuumadi leedahay; ganacsina jiritaankiisu waa inuu macaash soo hooyo iyo inuu keeno alaab macaamiishu ku qanacsantahay, hadii intaas laga waayo ganacsigaasi albaabada ayaa loo xidhaa, dawladna hadii ay qancin waydo adeegyada iyo hab maamuleedka bulshada muddaharaadyo iyo qalalaaso ayaa abuurma, kuwaas oo isku roga, olole ka dhan ah shacabka iyo axsaabta qaranka ee mucaaradka ah, keenana dhamaad hogaamiye xukuumadeed oo ku guul-daraysta hanashada umada uu u taliyo jeer ay ahaataba.
Maanta waxaan horumar ku gaadhi karnaa waa qalinka oo aynu xaqiisa siino iyo aqoonta oo aynu qiimayno, inaga oo ka tegayna habka qabiil ee aynu ku dhisno maamulka xukuumada, taasna macnaheedu waa inaynu u baahanahay (Administration Reform)

Qalinkii: Mustafe Abdirahman Habane
E-mail: mustafe107@gmail.com
Cell Phone: 063-4404520


COMMENTS
LINKS