|
|||||
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Oo Xukuumada Ku Dhaliilay Inaanay Ka Hadal Wararka Sheegaya Inay Somaliya Ka Baxday Wada Hadaladii, Kuna Canaantay Wax Ka Qabad La,aanta Musharaxiinta Puntland Ee Soo Talaabay.
December 31, 2013 - Written by Editor:Hargeysa(wajaalenews):-musharaxa madaxweynaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumada Somaliland si adag ugu dhaliilay wada hadalada somaliya ee haatan u muuqda kuwo ay ka baxayso dawlada somaliya. Hargeysa(wjn):-musharaxa madaxweynaha xisbigacadaalada iyo daryeelka ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumada Somaliland si adag ugudhaliilay wada hadalada somaliya ee haatan u muuqda kuwo ay ka baxayso dawladasomaliya. Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal CaliXuseen oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa xukuumadaSomaliland si weyn ugu canaantay inaanay ilaa hada ka hadal ka bixitaanka aydawlada somaliya ka baxday wadahadaladii u dhexeeyey Somaliland. Ugu horayn Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya wadahadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya halka ay ku danbeeyeen ayaa waxauu yidhi ?waa ayaan daro inaga oo dawlada xisbiga Kulmiye ee imika jirtaa ay umada Somaliland iyo anagaba ku qancisay in wada hadalada somaliya lalabilaabay ay yihiin wada hadalo la doonayo in lagaga baxo Somaliya, iyada oomarkii horeba ay qalad ahayd sida qorshe ahaan loo socday hadana dantawadanka iyo bulshada caalamka eegaynaaanu aqbalnay, laakiin inaanay siyaasad cad ka lahayn dawlada hada jirtaa waa ayaan daro waayo xiligii ay dawladasomaliya ka baxday wada hadaladaas wakhti badan ayaa ka soo wareegay, imikanabaarlamaankoodii ayaa la hor gaynayaa, dawlada? Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid waxa uusheegay in dawlada Somaliland ee hada jirtaa ay hoos u dhigtay meeqaamkii aysomaliladn ka joogtay wada caalamka, waxaanu wasaarada arimaha debada kueedeeyey inay ka gaabisay hawlihii ay qaranka u haysay waxaanu yidhi ?Somaliland-nawaxaad moodaa in meeqaamkii aynu ku lahayn caalamka ay hoos u dhigtay, waxaanad arkaysaa in saaxiibadii aynu ku lahayn caalamka inay qaar u haystaan inaynu ka noqonay Somaliland waayowax ictiraaf ah oo la raadinaya ma jirto, wasaarada arimaha debaduna waxaadmoodaa inay ka sii dartay marka loo eego wakhtigii hore sidii ay ahayd oo imika culayskeedu noqday in heshiiskaganacsiga ka shaqayso.? Ugu danbayntiina musharaxa madaxweynaha ee xisbigaUcid waxa uu xukuumada Somaliland kudhaliilay inaanay waxba ka qaban musharaxiinta Puntland ee ka dhex ololaysanayagudaha Somaliland waxaanu yidhi ?waxa aniga saamynta ii samaynaya oo markii uguhoraysay ah oo Somaliland-na ugub ku ah in musharixiin Puntland ah aydeegaamadii Somaliland ay si cad uga tartamaan,runtiina xukuumada fashilaadayey ku tahay ? ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE CONTACT;wajalenews@gmail.com Related posts:Suldaanka Guud Ee Beelaha Bahabar Muuse M.Case Oo Si Weyn Loogu Caleemo Saaray Degmada Lughaya Daawo: Saddexdii Madaxwayne Ku-xigeen Ee Hore Somaliland Oo Hadhimo Sharafeed U Sameyay Sadexda Mush... DAAWO;-Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Shacabka Tacsiyadeeyay Geerida Garaad Cismaan Garaad Maxamuud Oo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|