Munaasibad Casho-Sharaf Soo Dhaweyna Oo Loo Sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Somaliland Iyo Weedhihii Madasha Laga Jeediyey. DAAWO SAWIRADAN. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Munaasibad Casho-Sharaf Soo Dhaweyna Oo Loo Sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Somaliland Iyo Weedhihii Madasha Laga Jeediyey. DAAWO SAWIRADAN.
December 12, 2013 - Written by editor

London(WJN):-Munaasibad Casho sharafa oo lagu soo dhaweynayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cade ayaa habeenimadii Salaasada ee ay taariikhdu ahayd 10/12/2013 lagu qabtey Galbeedka Magaalada London.

London(Wajaale-News):- Munaasibad Casho sharafa oo lagu soo dhaweynayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cade ayaa habeenimadii Salaasada ee ay taariikhdu ahayd 10/12/2013 lagu qabtey Galbeedka Magaalada London.

Xafladan oo ay soo qaban-qaabiyeen haweenka galbeedka London,oo ay ka mid ahaayeen Siraad Muuse WarsameXarakaad Caare iyo Aamina Cumar Qooblow, ayaa waxay u-jeedadeedu ahayd soo dhaweyn Casho sharaf lagu soo dhaweeyey Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade oo maalmahan-ba ku sugnaa magaalada London,

Casuumadan Casho sharafta oo si meeqaam sare ah la isugu soo duba riday, ayaa waxa ka soo qeybgalay Danjiraha Somaliland u fadhiya UK Ambassador  Cali Aadan Cawaale, Agaasimaha Telefishanka Qaranka Somaliland ee Europe Md.Cabdiraxmaan Aadan Dheri, ,Madaxda jaaliyada Somaliland ee West London Community, iyo dhamaan qaybaha bulshada kala duwan ee Somaliland oo deggan London.

 

Ugu horeyntii waxaa madasha hadal qiime leh ka soo jeediyey madaxdii  kala duwanayd ee ka soo qabgashay xaflada, iyo weliba waxa goobta looga duceeyey madaxweynihii hore ee Jamhuriyada Somaliland  Md. Daahir Rayaale Kaahin  oo hooyadii dhawaan ay ku geeriyootay magaalada Boorama inuu    ILAAHAY u naxariisto, oo Janadii fardowsa geeyo.

 

Ambassador Cali Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu  soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade oo ku bilaabay mahadnaq uu u soo jeediyey gabdhihii ka soo shaqeeyey xalfladan quruxda baddan,

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray  waxooga yar oo war-bixin ah oo ku saabsan socdaalkiisa iyowaddankiiba inkastoo oo uu ugu horeyntiiba sheegay Ambassador-ku in Habeenimada Sabtida soo socota in uu si balaadhan oo xog-waran ah uu ula kulmayo dhamaan Jaaliyada Somaliland ee waddankan UK oo ka dhici doonta Magaaladan London, Waxaanu  intaas sii raaciyey heeso waddaniya iyo kuwo dabacsan-ba oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Saynab Cige,Yusuf dheere iyo Cabdi Cumar, kuwaas oo ay la riyaaqeen dhamaan dadkii xaflada ka soo qeybgalay.

 

Ugu danbeyntiina waxay xafladii ku soo dhamaatay jawi aad u degen iyo farxad.

WAJAALE NEWS DESK

LONDON OFFICE

CONTACT US ” Wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS