Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Oo Cambaareeyay Dilkii Ka Dhacay Burco, Baaqna U Soo Jeediyay Xukuumada iyo Shacabka Reer Burco | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Oo Cambaareeyay Dilkii Ka Dhacay Burco, Baaqna U Soo Jeediyay Xukuumada iyo Shacabka Reer Burco
December 24, 2013 - Written by Editor:

Aad iyo aad ayaanu uga xumaanay dhibaatadii ka dhacday Burco shalay .Allah ha naxriisto cidii ku dhimatay halkaas

Hargeysa (WAJAALENEWS) – Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii dadku ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay Magaalada Burco.

 XasanCiise1

Waxa uu ilaahay uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo dadkii shalay ku dhintay dhacdadaasi, waxaanu kuwii ku dhaawacmay ilaahay uga baryay in uu caafimaad sareecan ah siiyo.

Sidaasna waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay wajaalenews, waxaanu u dhignaa sidan

Aad iyo aad ayaanu uga xumaanay dhibaatadii ka dhacday Burco shalay .Allah ha naxriisto cidii ku dhimatay halkaas, hawuna sahlo cidii ku dhaawacantay. Iyada oo Somaliland oo dhami u baahantay nabadda ayey Burcana u sii baahantahay nabadda.

Waxaanu ku guubaabinaynaa reer Burco oo dhan iyo Xukuumadaba inay si buuxda ugu dadaalaan in xaalada lagu soo dabaallo si nabad ah. Taasi ayaanu xeerinaynaa.

Xukuumada Somaliland waxaanu xasuusinaynaa inay ayaguna nabadda ugu baahan yihiin sida ay shicibku ugu baahan yihiin,laakiinse ayagu u xil gaari ka saaran yahay nabadda ilaalinteeda iyo kobcinteeda. Sidaas awgeed waxa xukuumada waajib ku ah inay ka digtoonaato wax kasta oo nabadda waxyeelaya. Waxa kale oo waajib ku ah in mar ksata oo tan oo kale dhacdo ay xukuumada samayso baadhitaan lagu kalsoonaan karo,kana qaado talaabo lagu qanci karo. Waxaanu mar kale xukuumada xasuusinaynaa in waxa keliya ee nabada lagu sugi karaa ay tahay cadaalada,xag siyaasadeed,xaq dhaqaale iyo xaq sharciyeedba.

Xukuumada ayaa ka masuula Booliska. Xukuumadu waa in ay amar ku siisaa Booliska inaanay marnaba xabad nool ku ridin dad rayid ah oon hubaysnayn. Arimahani inay soo noqnoqdaan ma aha,miyaan wax lagu qaadan dilkii iyo dhaawicii Xaqsoor taageerayaashiisa doorasho ku sheegii ugu dambeeyey?. Miyaan wax lagu qaadan weerarkii foosha xumaa ee Hubaal? Miyaan wax lagu qaadan mudaharaadkii  dhawaan ee Ucid sidii xukuumadu ka yeeshay? Dadka rayidka ah een hubaysnayn ee ka dhiidhiya dulmiga waa muwaadiniinta xalaasha ah ee dareen kule. Kuwaas ayey tahay inay xukuumadu soo dhawayso marka ay garasho iyo kalsooni iyo daacadnimo jirkan. Xukuumadan ma waxay garanweyday intay garatay dawlada Thailand,maalintii daweyd markii ciidamadii Booliska ee Bankog amarka lagu siiyey inay ka hordhaqaan shicibka mudaharaadaya.

Kuwii mudaharaadayey markii Boolisku ka hordhaqaaqay  intay xafiisyadii dawlada galeen ayuunbay wakhti yar ka dhex qudbadeeyeen dabeetana wey iskaga baxeen xukuumadani intaasna wey garanweyday.

 

Gudoomiyaha Xaqsoor

Xasan Ciise Jaamac

COMMENTS
LINKS