|
|||||
WAJAALE NEWS
Mujaahid Cali Guray Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxweynaha, Sheegayna Inaanay Dalkan Xal U Noqonayn Xadhig Iyo Xabad Loo Gaysto Shacabka, Xasuusiyeyna In Wakhtiga Lagu Sii Durkayaa Yahay Kii Is Qabsiga Iyo Mudaharaadada
December 25, 2013 - Written by Editor:Hargeysa(WAJAALENEWS):-guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay mudaharaadadii ka dhacay magaalada Burco ee xaurnta gobolka Togdheer.
Hargeysa(wajaalenews):-guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay mudaharaadadii ka dhacay magaalada Burco ee xaurnta gobolka Togdheer. Mujaahid Cali Guray oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiska xisbiga Ucid waxa uu si mug leh uga hadlay mudaharaadadaasi, waxaanu sheegay inaanay jirin cid baadhaysa xabada nool ee lala dhacay shacabkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay mudaharadadaasi, waxaanu tilmaamay inay aaminsan yihiin inay jiraan dad ciidanka ka tirsan oo madaxtooyadu ku amarto inay rasaasta nool la dhacaan dadka mudaharaada. Ugu horayn mujaahid Cali Guray oo ka hadlaya mudaharaadadii ka dhacay magaalada Burco ayaa waxa uu yidhi ?marka hore xisbiga Ucid waxa uu ka xun yahay dhacdadii ak dhacday magaalada Burco ee lagu dhaawacay hanta uu dadku leeyahay, maanba aha markii ugu horaysay ee ay taasi dhacdo, aniga oo marka hore tacsidaynaya intii ku dhimatay ehelkoodana waxaan leeyahay ilaahay samir iyo iimaan haydinak siiyo,dhacdooyinkan sida fudud ee gacan fudaydu ku jiro shacbigu ugu dhimanayo ee dadka aan danbiga gelin ee aan hubaysnayn ay bilaysku ku laynayaan aad ayaanu uga xunahay, waxa kale oo aanu aad uga xunahay dhacdooyinkaas oo dhan inaanay jirin cid baadha bilayskuna aanu waxba ka soo saarin baadhis loo diray, anaguna waxaanu qabnaa inay Bilayska ku dhex jiraan dad si gaar ah madaxtooyada looga amro oo la yidhaa dadka xabada hoos ugu dhiga marka ay dhintaan ayey joojinayaan rabshadah taasina waa qayrul masuulnim.? Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid mujaahid Cali Guray waxa uu sheegay in mudaharaadadii ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Saylac aan wax baadhis ah lagu samayn askartii rasaasta nool la dhacday dadka shacabka ah ee mudaharaadayey, waxaanu sheegay inay xukuumadu ku ilawday in dadkii dhintay qalad la saaro waxaanu yidhi ?waxaynu ogayn wixii ka dhacay magaalada Hargeysa ilaa maantana waxa lagu dhaafay cidii dhimatay ayaa qaldanayd, waxaynu ognahay dadkii hor fadhiistay Saylac ee lagu laayey cid baadhay ma jirto waxay ku dhinteen cid sheegtayna ma jirtana waxaana lagu dhaafay cidii dhimatay ayaa qaldanayd, Burcana waa markii labaad ee ay Bilaysku xabad la dhacaan dad aan danbi gelin, halka ay ku socotana iyo dhibaatooyinka ka iman doonana dadka wax ku lug leh dad qiyaasi karaa ma aha, dadka xumaantan ka danbeeyaana ee xalka ka doonaya xabada iyo xadhiga uu Siyaad bare ka waayey maaha dad qiyaasi kara inay xaaladu daqiiqado gudahood gacanta kaga bixi karto, xaalada dalka oo ay Burco gubanayso ayaa la leeyahay kaalay caruur ayaa qalin jabinaysaa shahaado sii waxaasna waxa lagaga war wareegayaa xaqiiqada dalka taala oo u baahan xal deg deg ah oo loo baahan yahay inuu caqligu shaqeeyo.? Ugu danbayntiina guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray waxa uu uu fariimo kala duwan u diray madaxweynaha Somaliland isaga oo sheegay inaanay dalkan xal u noqonayn xadhi iyo xabad loo gaysto shacabka wadanka waxaanu yidhi ?madaxweynaha waxaan leeyahay wali waxaynu haysanaa wali maalmo tirsan ayeynu haysanaa wakhtiga aynu galaynaynaa waa wakhti lagu sii durkayo dhinaca doorashada, waana wakhtigii is qabsiga,muranka,rabshaduhu iyo mudaharaadadu badanayeen, umadana xadhig iyo xabad lagu hor joogi maayo kuna shaqayn mayso, aqbali mayni in xal looga dhigo dhibaatooyinka qarankan haysta,dhibaatooyinkani waxay u baahan yihiin in si furan oo caqli leh oo masuuliyadi ku jirto looga wada hadlo oo loo dhamaystiro oo aan laga leexan ee wadadii ay inoo noqoto mabda, umadani wada tashi iyo is qancin ayey dhaqan u lahayd RRU,xabad iyo xadhig Axmedow lagu kala bixi maayo.? Ayuu yidhi guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray.
WAJAALENEWS.COM HARGEISA OFFICE CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:DAAWO;-Wasiiro Xukuumada Ka Tirsan Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Dab Damiska Iyo Mashaariic Kale Oo La... Ururka Qareenada Somaliland Oo Si Heersare ah Loogu Soo Dhaweeyey Xarunta Magaalada Jigjiga Martiqaa... Daawo:Madaxwayne Trumpka Maraykanka Oo Gaadhay Dalka Sucuudiga Iyo Kulan Uu Kula Yeelanayo Dhawr Iy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|