Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe Oo Si Adag U Dhaliilay Hab Dhaqanka Xukuumada Ee Wakhtigan Kana Hadlay Falkii Lagula Kacay Jamaal Cali Xuseen,Weriyayaal Xidhan iyo Qodobo Kale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe Oo Si Adag U Dhaliilay Hab Dhaqanka Xukuumada Ee Wakhtigan Kana Hadlay Falkii Lagula Kacay Jamaal Cali Xuseen,Weriyayaal Xidhan iyo Qodobo Kale.
December 9, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa(WAJAALENEWS:-wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe ayaa si weyn u canbaareyey xadhiga ay xukuumadu kula kacday afar weriye oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha dalka.

 

 index

Hargeysa(wajaalenews:-wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe ayaa si weyn u canbaareyey xadhiga ay xukuumadu kula kacday afar weriye oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha dalka.

Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan yuusuf Ducaale Boobe oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa waxa uu is barbar dhig ku sameeyey xukuumadihii soo maray Somaliland isaga oo tilmaamay inay xukuumadani noqotay tii ugu horaysay ee gacan iyo xadhigba kula kacda weriyayaasha ka

hawl gala warbaahinta madaxa banaan

?waxay ayaan daradu tahay isaga oo maanta madaxweyne ah wixii uu maalintaas  ka dagaalamayey  inuu maanta samaynayo, inaynu arkayno afar weriye oo xidhan waana kuwii ugu danbeeyey laakiin marka aynu eegno rikoodhka maamuladii Somaliland soo maray waa kii ugu badnaa ee xadhig iyo tacadi gaysta, waxaan ahaa wasiirka warfaafinta waxaanan xogogaal u ahaa xukuumadihii soo maray Somaliland, Daahir Rayaale ayaa jiray, waxa jiray Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa jiray Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waana la arki jiray weriyayaal xidhan laakiin weriyayaal gacan loo qaado waa kow.? Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe.

Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay inay canbaaraynayaan xadhiga weriyayaasha iyo xadhig loo gaystay muwaadiniin Somaliland ah waxaanu yidhi ?waxaanu canbaaraynaynaa falka lagu xidhay weriyayaashaas, waxaanu canbaaraynaynaa gardarada uu aqoonyahan jiir ugu jiro jeelka Mandheera ee lagu hayso xoriyatul qawlka.? Ayuu yidhi Mujaahid Boobe

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?waxyaalah layaabka leh ee bina aadanka soo maray ee umadu ka dagaalantay waxa ka mid ah arinta dhaq dhaqaaqa iyo socodka, maalin dhawaydna waxaynu goob joog u ahayn Jamaal Cali Xuseen oo laga hor istaagay magaalada Gebilay  lagu yidhi ma soo gali kartid, Gebilayna gobolada dalka ayey ka mid tahay uma xidhna muxaafid umana xidhna mucaarid sida aanay gobolada kale ee dalkuna ugu xidhnayn, haddii ay xukuumadu isku hubto magaalada Gebilayna Jamaal kamay hor istaagteen ee way ku sii dayn lahayd balse tamar daro iyo tag daro ayaa halkaa dhigtay, waxaanan leeyahay dadku daafad uma hayaan waxyaalahan dhacaya waana filimadii ay soo daawadeen.? Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Somaliland

WAJAALENEWS..COM

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS