|
|||||
WAJAALE NEWS
Muhaajiriin Soomaali Ah oo Doon Kula Degtay Xeebaha Dalka Colombi.(Akhriso)
December 30, 2013 - Written by Wariye:Colombia(Wajaale News) Sida uu sheegey taliyaha ciidanka Police-ka gobolka Gacanka Uraba (Waqooyi Galbeed) ee dalka Colombia ee qaaradda Latin Amerika kaas oo lagu magacaabo Colonel Raúl Antonio, muhaajiriin waxaa la heley meydka illaa shan qof oo muhaajiriin ah oo dooni kula degtay wabi halkaasi ku yaala, sida uu taliyuhu sheegay Dooni aan xaaladeeda wanaagsanayn oo la saaray dad ka baddan intii loogu tala galay oo degtay wabiga Atrato ee u dhow xuduudda dalka Colombia la leeyahay dalka Panama waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray muhaajiriin Somali ah oo ku safrayey doontaasi. Illaa 30 qof oo Soomaali ah ayaa doonta saarnaa sida wararku sheegayaan, waxaana dhimashadooda la xaqiijiyey illaa 7 qof, iyada oo dadka qaarkood uu yaxaas cuney, inta kalana meydkooda la heley ,waxaana la shaeegay in wali ay socdaan baaritaano aarrintaasi la xiriira, sida warku sheegayo Dadkaasi soomaalida ah ayaa waxa ay ka kala tageen meelo kala duwan oo ka mid ah dunida waxayna u badnaayeen sida la sheegay kuwo ka tagay dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika,waxayna doonayeen sida la sheegay inay tahriib ku galaan dalka Maraykanka. Lama oga xaaladda soomaalidii ka badbaaday doonidaasi, iyadoo ay tani noqoneyso masiibo kale oo soo wajaheysa dhalinyarada soomaaliyeed ee naftooda ku biimeynaya dhulal aad uga fog soomaliya oo ay khataro kala duwan kala kulmayaan.
Hargaysa Office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|