Maydka Hogaamiyihii Geeriyooday Ee Reer Koonfur Afrika Nelson Mandela Oo La Dhexmarinayo Wadooyinka Wadankaasi Si Ay Dadku Sii Sagootiyaan Aragiisa Markii U Dambaysay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maydka Hogaamiyihii Geeriyooday Ee Reer Koonfur Afrika Nelson Mandela Oo La Dhexmarinayo Wadooyinka Wadankaasi Si Ay Dadku Sii Sagootiyaan Aragiisa Markii U Dambaysay.
December 12, 2013 - Written by Wariye:

Pretoria(Wajaale News):-Maydkii Madaxweynihii hore ee wadanka South Africa Nelson Mandela ayaa saaka la geyay Xarunta  Madaxtooyada Dalka ee Union Buildings  Magala Madaxda wadanka Pretoria South Africa.

maydka nelson madela

Kumanaan Kun oo dad weyna ah ayaa iskugu soo baxay hareeraha wadoonyinka caasimada wadanka ee Pretoria si ay u dawadaan Maydka Madaxweynaha Nelson Mandela oo lagu waday Gaari yar asaga oo maydkan laga soo qaday Isbitaal xarun Mulatry oo maydka yaalay.

Kumanaan ciidan Police iyo Mulatari iskugu jira ayaa wadoonyinka lagu daadiyay kuwaas oo galbinayay maydka madaxweynihii hore ee wadanka south africa Nelson Mandela, Waxaa dhanka Hawada Caasmada  gaaf wareegayay Diyaradaha Qumaatiga u kaca Helicopters diyaradaas oo ay is ticmalaan ciidamada Mulatariga wadanka.

Maydka Nelson Mandela ayaa yaali doono Mudda sadaxda maalin xarunta Union Buildings Goobtaas oo dad weynaha ay ku soo booqan doonaan,waxaana subax walba maydka Nelson lagu wareejin doonaa wadoonyina Caasimada Pretoria Si ay dadka u macasalamayaan Maydka Nelson Mandela.

Inta aanan shacabka loo ogolaan booqashada maydka ayaaa waxa booqan doono Madaxweynaha wadanka Jakub Juma iyo marti sharaf badan oo wadanka ku sugan.

Isku soo wada duuboo Nelson Mandale ayaa maydkiisa waxa la aasi doonaa 15 ka bisha oo ku beegan maalinta Axada ah waxaana lagu aasi doonaa Deeganka Qunu ee Bariga Gobalka Eastern  Cape.

Hargaysa Office
Wajaale News
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Email:habane00@gmail.com

COMMENTS
LINKS