|
|||||
WAJAALE NEWS
Masulimiin London Ka Sameeyey Mudaharaad Ka Dhan Ah Khamriga Iyo Ibiintiisa Tukaamada Ka Ganacsada
December 16, 2013 - Written by Wariye:London(Wajaale News):-Kumanaan muslimiinta ku dhaqan dalka Ingiriiska ay, ayaa bariga magaalada London ka dhigay mudaharaad ballaadhan oo ay ku dalbanayeen in hudheellada iyo dukaamadu joojiyaan iibinta khamriga, isla markaana qofka lagu qabto isagoo khamri cabsan shareecada islaamka lagu xukumo oo jeedal lala dhaco.Mudaharadayaashan oo uu hoggaaminayey Anjem Choudary oo ahaa hoggaamiyihii hore ee ururka Al Muhajiroun, waxa uu digniin u diray dukaamada iyo hudheellada bariga London oo uu sheegay in qofkii isagoo ka ganacsanaya lagu qabto lala dhici doono 40 jeeda. Ku dhawaad 60 nin iyo haween oo xidhan niqaam iyo xijaabbo, sidoo kalena sitayboodhadh ay ku qoran yihiin hal-ku-dhegyo lagaga soo horjeedo ka ganacsiga khamriga, kuwaasoo ay markii dambe soo gaadheen ciidammada mudaharaadka ka hortaga. Hoggaamiye Anjem Choudary waxa uu safka hore kaga jiray mudaharaadka, isagoo waliba ururkiisa Mujajiroun laga mamnuucay dalka Ingiriiska. Dadka soo qabanqaabiyey mudaharaadkan ayaa wargeyska The Times u sheegay in mudaharaadkan lagu damacsana in lagaga hortago khamriga aafeeyey caalamka, gaar ahaan da? yarta muslimiinta ah ee Ingiriiska ku dhaqan. Dukaamada dadka Muslimiinta ah haystaan ee og inay iibinayaan khamri gebi ahaanba waa xaraan, lama noolaan karno dadka aan muslimiinta ahayn, mana arki karno arrimahan shaydaanku dabada ka wado ee dhacaya,? ayuu Mr. Choudary ugu khudbadeeyey bannaanbaxayaasha, waxaannu sheegay inuu rajaynaayo in sharciga Shareecada islamka laga hirgelin doono dalka Ingiriiska. Hoggaamiyaha ururka shaqaalaha, isla markaana ah sheekha caalimka ah ee Sirajul Islam, ayaa sheegay in qof kasta xaq u leeyahay mudaharaad salmi ah, balse wuxuu dadka mudaharadaayey ku boorriyey inay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan ka hor intaanay falal dhib u keena ku dhicin Hargaysa Office Related posts:Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Oo Kormeer Ku Tagay Magaalada Tog... Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Markab Dekeda Berbera Xoolo Ka Qaaday Oo Lagu Xanibay Dalka Sucu... Daawo: Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Salal Oo Ka Hadlay Khilaaf Ka Jira Gobolka Salal Iyo Xaalada D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|