Marwo Faadumo Siciid Oo Sheegtay In Booqasho Ay Ku Tagi Lahayd Gabiley Laga Horjoogsaday iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay Badhasaabka Gobolkaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marwo Faadumo Siciid Oo Sheegtay In Booqasho Ay Ku Tagi Lahayd Gabiley Laga Horjoogsaday iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay Badhasaabka Gobolkaasi
December 3, 2013 - Written by editor

Amarkaasi waxa uu ka soo fulay Maamulka Gobolka Gabiley, waana wax fool xun oo ah wixii aynu ka soo dagaalanay ee aynu kaga hornimid Faqashtii?

Hargeysa (Wajaale-news)- Guddoomiyaha ururka Wadaniga ah ee Ururka Odxa Marwo Faadumo Siciid ayaa sheegtay in maamulka Gobolka Gabiley ay ka hor joogsadeen in labada lugood dhigto Magaaladaasi.

Marwo Faadumo Siciid oo sida ay goor dhaweyd u sheegtay Wajaale news qorshaynaysay safar ay ku tagto Magaalada Gabiley si ay halkaasi uga soo furto tartan ay ka qayb qaadanayaan kooxaha Heerka Labaad ee Magaalada Gabiley, kaas oo uu halku dhigiisu  uu yahay La dagaalanka Tahriibka.

Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi oo laftiisu isaga oo ku sugan Hargeysa aanu wax ka weydiinay bal cida amarkaasi bixisay iyo waxa ka jira ayaa sheegay in aanu waxba ka ogeyn.

Ugu horeyn waa Tan faadumo Siciid Guddoomiyaha Ururka Wadaniga ah ee Odxa oo ka hadlaysa bal safarkeedaas iyo cida ay u aanaynayso in ay ka horjoogsadeen.

“Runtii Safar aan lahaa aad ku tagtid Magaaladda Gabiley ayaa la iga horjoogsaday, waxaanu ahaa mid aan kooxaha Heerka Labaad ee Magaalada Gabiley aan ugu soo furayay Tartan Kubada cagta ah, kaas oo la mid ahaa kii aan dhawaan ku soo gabogabaynay Hargeysa Stadium, laguna dhiirigelinayay dhalinyarada sidii loo joojin lahaa Tahriibka” ayay tidhi.

Mar aanu waydiinay bal cida uu amarkaasi ka soo fulay ayaa waxa ay tidhi “Amarkaasi waxa uu ka soo fulay Maamulka Gobolka Gabiley, waana wax fool xun oo ah wixii aynu ka soo dagaalanay ee aynu kaga hornimid Faqashtii” ayay tidhi.

Sidoo kale waxa ay ku adkaysanaysaa in ay booqan doonto oo aanay jiri doonin cid ka hor istaagi karta Magaaladda Gabiley “Ma jirto cid iga horjoogsan doonto Magaaladda Gabiley, waanan tagayaa” ayay hadalkeeda ku soo koobtay Marwo Faadumo Siciid.

Wax yar ka dib uun markii ay Marwo Faadumo Siciid sidaas u sheegtay Wajaale News ayaanu dhinaciisa khadka Telefoonka kula xidhiidhnay Badhasaabka Gobolka Gabilay Md.  Yuusuf Ibraahim Geedi, waxaanu xusay in aanu warkaasi ahayn wax jira oo uu la socdo “Warkaas adiga ayuun baan kaa maqlayaa, mana jirto meel aanu ku nidhi Faadumo Siciid Yaanay soo gelin Magaalada Gabiley.

Runtiina waxa iigu war dambaysay Xalay mar ay ka hadlaysay Telefishanka oo ay lahayd Arbacada ayaan tartan ka furi doonaa Magaalada Gabiley” ayuu yidhi.

Sidoo kale mar aanu weydiinay hadii aanu isagu waxba ka ogeyn amarkaas, bal in uu dhinaca Mayorka Ka soo fulay waxa uu yidhi “Anigu maanta Duhurkii ayaan ka soo baxay Magaaladda Gabiley, waxaanan ku suganahay Hargeysa oo aan hawlo yar ka dhamaysanayay, Mayorkuna igalamuu soo hadal warkaas iyo wax la mid ah toona” ayuu yidhi.

COMMENTS
LINKS