|
|||||
WAJAALE NEWS
Madexweyne Siilaanyo Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Tog-Wajaale iyo Wasiirka Madaxtooyada Oo Maamulka Ku Dhaliilay
December 1, 2013 - Written by editorMadexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), oo halkaa isaguna ka Hadley ayaa sheegay, in dalka loo qaban doono wixii la awoodi karo islamarkaana, uu dalku badan yahey taas oo loo baahan yahey
Tog-Wajaale(WJN)- Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) iyo wafti balaadhan uu hogaaminayo ayaa galinkan dambe ee maanta soo gaadhey Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland halkaas oo kumanaan qof oo u badan dhalinyarada caruurta iyo haweenku isa soo buuxiyeen fagaaraha kheyriyada ee garoonka kubada cagta si heer sare ahna usoo dhaweeyeen Madaexweynaha iyo Waftigiisa.
Madexweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo waftigiisa oo ay wehelinayeen raxan Wasiiro ah, oo kamid ah Golaha Xukuumada waxa kala Hadley halkaasi Dadweynaha Reer Tog-Wajaale Wasiirada Maaliyada iyo Madaxtooyada, iyadoo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ka Hadley balanqaadyadii xiligii kaambeynka loo balnqaadey.
Dadweynaha Reer Tog-Wajaale waxa ka qabsoomay, iyo waxa u dhiman ee halbowlaha ah ee loo qaban doono Reer Tog-Wajaale isagoo si gaar ah u xusey Biyo galinta loo balanqaadey ee ay mudada sugayeen waxaana kamid ahaa hadaladiisii. Walaalayaal aad baan uga xunahay waxey aheyd inaanu ,maanta nimaadno Tog-Wajaale oo wadooyinkii sameysan yihiin waxaanu balanqaadeynaa in bisha soo socota ee feebarwari ay wadadii soo gaadheyso Wajaale, Biyihii aad sugeyseen in qasabadihii lasoo galiyo insha allah wey socotaa waala soo galinayaa dhawaan waana lawadaa howshaasiAyuu yidhi
Wasiirka Madaxtooyadu, kadibna dhalinyarada ayaa ku dhawaaqey aawey garoonkii waxaanu ku jawaabey Wasiir Xirsi. Garoonkiina sida ugu dhakhsha badan ayaa loo dhisayaa, garoonkiina sida ugu dhakhsaha badan ayaa loo dhisayaa, waala dhisayaa insha allah, waxaan leeyahey Xaashiyow waxaan ka baqyaa in ay wadada weyn ee lawadaa idinka soo horeyso, idinkoo aan dhameyn tii gudaha Magaalada Tog-Wajaale, walaalayaal waxaan eegaa nuimbarka zaadka ee lagu shubo hurumarinta Wadooyinka reer Tog-Wajaale wey ku yaryihiin walaalayaal waxaan idinku boorinayaa inaad ka qeyb qaadataan insha allah weydin ka qeyb qaadanAyuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan. Wasiirka Maaliyada oo halkaa hadal kooban oo ku celcelis Somaliland ha noolaato, Madexweynuhuna ha noolaado ah ku celceliyay ayaa sheegay in aan isaga hadal uga banaaneyn uu jeediyaa.
Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), oo halkaa isaguna ka Hadley ayaa sheegay, in dalka loo qaban doono wixii la awoodi karo islamarkaana, uu dalku badan yahey taas oo loo baahan yahey, in dadweynuhuna ka qeyb qaataan, Waxaanu sheegay in wixii suurtagal ah loo qaban doono dadweynaha Reer Tog-Wajaale balanqaadkii loo balanqaadey xiligii ololaha.
Madexweynaha iyo Waftiga uu hogaaminayay waxa ay maanta soo mareen Magaalada Alleybadey ee Degmada Alleybadey halkaas oo loogu qado sameeyay Madexweynaha iyo waftigiisa. Madexweyne Siilaanyo iyo Waftiga uu hogaaminayay, markii ay hadalkooda dhameeyeen waxa uu u ambabaxey dhinaca Caasimada Hargeysa isagoo xaleyna ku bariistey Magaalada Gabiley.
Sadex sano ayaa laga joogaa markii ay Xukuumada Madexweyne Siilaanyo u balanqaadey dadweynaha Reer Tog-Wajaale in biyo loo soo galin doono islamarkaana, loo sameynayo Xarun Caafimaad haseyeeshee, waxa mar kale loo sheegay in ay soo socdaan taas, oo Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo fagaaraha ka sheegay in Reer Tog-Wajaale mahadiyeen Madexweyne Siilaanyo oo uu wax u qabtey inkastoo, isaga Wasiirka Madaxtooyada ku canaantey sida ka muuqatey khudabadiisa in ay ku fashgilmeen dhimihii Wadooyinka Gudaha Magaalada la hirgalinayay oo intii ugu badneyd laga uririyay lacgataasi Ganacsatada Tog-Wajaale iyo ta Somaliland labadaba.
WAJAALE NEWS DESK CONTACT US: Wajalenews@gmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|