Madaxweyne Siilaanyo oo ka shakiyey wadaadadii iyo Kornayladii Cali Guray sheegi jiray inay ka lushaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo oo ka shakiyey wadaadadii iyo Kornayladii Cali Guray sheegi jiray inay ka lushaan
December 22, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayay la soo gudboonaatay xaalad uu shaki ka qaado kooxihii siilaanyoku hareeraysna aee garabyadiisa ahaa ee Cali Guray uu sheegi jiray midkood in marka shirweynaha Kulmiye lagu kala adkaado uu UCID tagi doono ka kalena Wadani.
madaxwayne siraanyo
Shirweynihii Kulmiye ee uu Cali Guray Inshaarayey in uu qolo uun daaqada ka saari doono ayaa u muuqda in uu fashilmay oo aanu ku qabsoomi doonin wakhtigii loogu talagalay oo ay ka hadhsan tahay laba maalmood oo kali ah, hase yeeshee ka hor inta aanay saadaasha Cali Guray dhicibna waxa soo if-baxay in Madaxweyne Siraanyo labadii kooxoodba ka shakiyey isla markaana cidlo gaardiyayo.

Garabkii Samaale ayaa galin hore laga saaray saaxadii tartankii Cali naawilayey, maalmo gudahoodna kooxdii kornaylada ahaa ayaa iyana laga daba geeyey, waxaana labadoodaba la diray gagi cidlo ah, hase yeeshee madaxweyne Siilaanyo ma mahadin oo waxa muuqata taladii Xukuumaddiisu inay sii laciifayso isla markaana an haadu ka dharagtay Nidaamkiisa.

Kadib go’aamadii Madaxweymne Siilaanyo lagaga faquuqay Garabyadiisii waxa soo food saartay xukuumaddiisa iyo bulshadaba walaac iyo marxalad siyaasadeed oo mugdi sii galinaysa hogaamintiisii, waxaana meel kasta kaga ciyey mucaaradad ay usoo jiideen intii tala xumada siyaasadeed dhabta u saartay, kuwaas oo u muuqda in ay jar ka xooreen.

Axsaabtii mucaaradka ahayd baa u midawday waxaanay qaateen Carroog cod dheer oo cir iyo Dhul ku gariirisay Xukuumadda taladeedu meel ay ka soo baxayso aan la garanayn sida ay ku doodayaan dadka falanqeeya saadaasha siyaasadu, Golayaashii sgarci dajinta ayaa ku biiray oo ay waliba hogaaminayaan kuwii ugu xigay oo xalay oo u danbaysay si ay u dabaqabateeyaan talo xumayaasha taladooda Qasriga isugu shubay, wallow ay muuqato shinbirkii ay u sideen in aanay Madaxtooyaddu qaadan.

Dabku wuu sii durkay oo wuxuu marayaa Waaxdii Garsoorka in iyana la sudhay qorigii Dabka lahaa ee laga soo bilaabay Kulmiye, waxaanay xaaladu ku sii siqaysaa in ay isku baxday mucaradad tii ugu adkayd ee soo marta siyaasadda Somaliland, taasoo aan dhaafin meel la majeerto oo badbaadin karta muruga siyaasadeed ee dalku galay saacadaha kooban ee u hadhay wakhtigii Madaxweyne Siilanayo loo qabtay in uu talada Dalka hogaamiyo.

Lama oga garabada Siilaanyo tuuray meel ay ku danbayn doonaan maadaama saadaashii cali Guray wax badani iska bedeleen, hase yeeshee saadaashu waxay ku sii siqaysaa inay talo farahooda ka haaday maadaama saaxadii ay ku sii jiri lahaayeen oo Kulmiye ahi u muuqdo Col (Wadani iyo UCID) hortii inuu Jabay.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS