|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo u cumaamatay in uu dhex dhexaadin ka sameeyo khilaafka Shirguddoonka
December 24, 2013 - Written by Editor:Guddoomiyaha Guurtidda oo ku Hungoobay, iyo Guddidii Xildhibaanada ahaa oo aan dhinacna u dhaqaaqin Hargeysa(WAJAALENEWS) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa bilaabay qorshe uu ku dhex dhexaadinayo Khilaafka siyaasadeed eek a dhex taagan Shirguddoonka Golaha Wakiiladda, isagoo shalay la kulmay C/raxmaan Cirro Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda. Madaxweyne ku-xigeenna iyo Guddoomiye Cirro midkoodna wax war ah kamuu soos aarin kulankooda, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola ayaa sheegay in ay kulan danbe u balameen si ay wadahadalka iyo Gor gortan ka arrintan u sii ambaqaadaan. Wararka dheeraadka ah ayaa sheegaya in C/raxmaan Cirro isaga riixay Ergaynta Madaxweyne ku xisgeenka dhinaca Golaha, isagoo u bandhigay dhibta Shirguddoonka u dhaxaysa dhinaciisa in uu ka dabcinayo sidii uu Warbaahintava hore uga sheegay, hase yeeshee ciriqa arrintu ka taagan tahay Dacwadda ay ka gudbiyeen Golaha taasoo aanu kalidii go’aan ka gaadhi Karin. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo maalmihii u danbaysay u xadhko xidhay in uu waan waan aka dhex sameeyo Khilaafka Golaha wakiiladda ayaan ku guulaysan kadib markii kulamo uu labada dhonac ee shirguddoonka la yeeshay ay isla meel dhigi kari waayeen qaabka uu uga Ergayn karo, waxaana la sheegay Guddoomiye Cirro in uu ku gudbay Saleebaan in uu sugo inta Guddi dhawr iyo toban xildhibaan ah oo Goluhu iska saaray ay ka soo quusanayso. Golaha Wakiiladda ayaa la sheegaya in guddiyo is-xilqaamay galeen xalka khilaafka Golaha hase yeeshee waxa markii danbe Goluhu saaray afar iyo toban Xildhibaan oo ka tirsan Golaweynaha, hase yeeshee illaa hadda wax kulan ah kamay yeelan arrinta. Si kasta ha ahaatee wali waxa taagan khilaafkii shirguddoonka iyo Golaha wakiiladda, waxaana Golaha laga dareemayaa in ay wali ka maqan yihiin ku-xigeenadii halka Guddoomiye Cirro iyo Golaha intiisa kale iska sii wataan hawl maalmeedkoodii, halka ay wali ka socoto Dacwadii Maxkamadda Sare furtay. WAJAALENEWS.COM HARGEISA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|