Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Markab Taagan Duleedka Berbera Kulan Kula Yeeshay Saraakiil Ka Socota Dalka Faransiiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Markab Taagan Duleedka Berbera Kulan Kula Yeeshay Saraakiil Ka Socota Dalka Faransiiska
December 15, 2013 - Written by editor

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland, kaas oo ku saabsan kulanakaasi, balse warku waxa uu intaasi

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ay wehelinayaan Badhasaabka Gobolka Saaxil  Iyo mayorka Magaalada Berbera ayaa shir kula yeeshay Saraakiil ka socota Dalka Faransiiska Markab Dushii.

Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen labada dhinac, balse ila wareedyo ka ag dhawaa kulankaasi ayaa Wajaalenews u sheegay in laga yaabo in saraakiishaasi ay u socdeen sidii loo sii dhamaystiri lahaa heshiis ay Somaliland hore ula gashay shirkad laga leeyahay dalka faransiiska si ay ula wareegto maamulka dekeda Berbera.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland, kaas oo ku saabsan kulanakaasi, balse warku waxa uu intaasi ku darayaa Dawladad faransiiska ayaa aad u danaysa Somaliland, waxaanay la leedahay xidhiidh joogto ah iyadoo hawlgalo ka samaysay Aasaarta Taariikhiga ah, Arrimaha dhinaca la dagaalanka Argagixisada iyo budh-cad badeeda, waxaana lagu wadaa kulanka socda in ay arrimahaasi ka mid yihiin.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS