|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Si Kulul Uga Hadlay Dagaallada Ka Soo Cusboonaday Gobalada Koonfureed Ee Somalia
December 18, 2013 - Written by Wariye:Muqdisho(Wajaale News):-Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay dagaallada ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada koonfured,kuwaaso dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Waxaa uu soo hadal qaaday madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud inay jiraan dad iyago doonayo inay sii socdaan dagaallada haddana ka a faa?iideysanaya collaadaha oo sii horinayo,ujeedadooduna sida uu sheegay madaxweynhu ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta iyo dowlad dhisidda. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna yiri ,Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin. Hargaysa Office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|