Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Si Kulul Uga Hadlay Dagaallada Ka Soo Cusboonaday Gobalada Koonfureed Ee Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Si Kulul Uga Hadlay Dagaallada Ka Soo Cusboonaday Gobalada Koonfureed Ee Somalia
December 18, 2013 - Written by Wariye:

XasanSheekh maxamud_Muqdisho(Wajaale News):-Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay dagaallada ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada koonfured,kuwaaso dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Madaxweynuhu waxaa uu ugu horren sheegay inuu ka tacsiyeenayo dhamanba dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay dagaallada.
Waa wax laga xumada dagaallada qeybo ka mid ah gobollada dalka ka socda,waxaan marka hore tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada?waxana uu inta ku daray madaxweynuhu?waa nasiib daro  in deegaanada qaarkood ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay ayuu yiri madaxweynaha.

Waxaa uu soo hadal qaaday madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud inay jiraan dad iyago doonayo inay sii socdaan dagaallada haddana ka a faa?iideysanaya collaadaha oo sii horinayo,ujeedadooduna sida uu sheegay madaxweynhu ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta iyo dowlad dhisidda.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna yiri ,Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.

 
Mar walba waxaan ku dadaallayna oo naga go,an in si deg-deg ah  u joojino dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah ayuu hadalkiisa ku daray.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Ayaan Xuseen Caynaan

COMMENTS
LINKS