|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo La Sheegay Inuu Ku Soo Jeedo Degmada Badhan Ee Bariga Sanaag
December 15, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa la sheegay inuu socdaal ugu soo jeedo degmada Badhan ee bariga Sanaag oo todobaadkan uu sidoo kale socdaal ku yimid Raysal Wasaarihii hore ee Somalia Cabdiwali Cali Gaas oo ka mid ah murashaxiinta jagada madaxtinimada ee maamul goboleedka Puntland u tartamaysa. Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goob joog ah oo ku sugan degmada Badhan ayaa sheegay in labadii maalmood ee u dambeeyay degmada Badhan laga waday qabanqaabo loogu jiro soo dhawaynta madaxweynaha Puntland Faroole oo la sheegay inuu safarkiisu dabada ku hayo ololaha Doorashada madaxtooyada, kaas oo ka ololayn doona todobaadkan Degmada Badhan ee bariga Sanaag oo ka tirsan Somaliland. Waxa kale oo wararku tibaaxayaan in Cabdiraxmaan Faroole sidoo kale ay qorshaha ugu jirto inuu socdaal ku yimaado Degmada Talleex ee Gobolka Sool oo dhawaan ciidamadiisa iyo maleeshiyo ka soo jeeda deegaanku ku dagaalameen, isla markaana dagaalkaasi lagaga xoog roonaaday maleeshiyada deegaanka ee Khaatumo Hargaysa Office Related posts:Daawo:Dibad Baxyo Balaadhan Oo Lagu Taageerayo Wadahadalada Khaatumo Iyo Xukuumada Somaliland Oo K... Daawo:Dib U Milicso Wasiirka Cusub Ee Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Madaxweyne Silaanyo Ku Dhaliil... Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Sida Uu Arko Waxka Badalka Lagu Sameeyay Xeerka Furista Ururada Siyaasa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|