Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Silaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ayaa saaka waxa ay ka qaybgaleen xuska sanad guurada 8aad ee Qoomiyadaha iyo shucuubta Reer Ethiopia oo lagu qabtay Maamulka Dawlad Deegaanka Somalida ee jigjiga.Iyo galabta oo sidiiran loogu soo dhaweeyay wajaale ilaa hargeisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Silaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ayaa saaka waxa ay ka qaybgaleen xuska sanad guurada 8aad ee Qoomiyadaha iyo shucuubta Reer Ethiopia oo lagu qabtay Maamulka Dawlad Deegaanka Somalida ee jigjiga.Iyo galabta oo sidiiran loogu soo dhaweeyay wajaale ilaa hargeisa
December 8, 2013 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ayaa saaka waxa ay ka qaybgaleen sidii ujeedada socdaalkuba ahaa inay kala qayb-qaataan xuska sanad guurada 8aad ee Qoomiyadaha iyo shucuubta Reer Ethiopia oo lagu qabtay Maamulka Dawlad Deegaanka Somalida ee jigjiga.

IMG_0025

 

Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisu ay la qaateen sanad guurada qoomiyaha iyo shucuubta reer Ethiopia xuska sanad guuradooda 8aad, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyey Raisal wasaaraha Ethiopia, Hayla Maryam Desalen iyo guud ahaan shucuubta reer Ethiopia ee aynu walaalaha nahay sanad guurada qiimaha badan u leh 85 qoomiyadood ee ku dhaqan dalkaasi, markii ay kulmeen madaxweynaha iyo raisal wasaaruhu ka dib.

 

Waxa xusid mudan oo aan la hilmaami Karin in shacbiga Somaliland ee ku dhaqan jigjiga iyo Ethiopia ay ka mid ahaayeen dadkii sida qiimaha badan loogu soo dhaweeyey laguna sharfay inay si ka duwan ka soo qaybgalyaasha kale ay calankooda ula soo bixi karaan ugana muujiyaan fagaaraha weyn ee maanta la isku arkay.

 

Intaasi ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hogaaminaayey oo u soo ambabaxay dalka ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyey laguna Xadka labada dal ay wadaagaan gaar ahaan Wajaale oo ay weftigu uga soo gudbeen dhinaca Somaliland weftigii soo gelbinaayey ilaa jigjiga ee wasiirada ahaana ay kaga noqdeen halkaasi.

Ugu danbayntii weftiga madaxweynaha Somaliland waxa si aad u qiimo badan loogu soo dhaweeyey Tuulooyinka, Degmooyin iyo Magaalada Gabiley oo  weftiga Madaxweynuhu ay soo mareen intii ay ku guda jireen socdaalkooda

IMG_0145IMG_0202IMG_0500IMG_0524.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS