Madaxweynaha Dalka Kiiniya iyo Raysal Wasaaraha dalka EToobiya Oo Maanta Gaadhay dalka Koonfurta Sudan si ay u Qaboojiyaan DagaaladA ka socda dalkaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Dalka Kiiniya iyo Raysal Wasaaraha dalka EToobiya Oo Maanta Gaadhay dalka Koonfurta Sudan si ay u Qaboojiyaan DagaaladA ka socda dalkaasi
December 26, 2013 - Written by Editor:
Dad gaaraya kun qof ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalada ka qarxey Suudaanta Koonfureed Kuaankun kalena ay ku barakaceen, dagaalada u dhexeeya qawmiyadaha Dinka……..

Hargeisa(Wajaalenews) Hoggaamiyaasha dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa booqanaya dalka ay dersika la yihiin ee Sudaanta Koonfureed, si ay u qaboojiyaan dagaalada ka taagan halkaas.¨
Dad gaaraya kun qof ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalada ka qarxey Suudaanta Koonfureed Kuaankun kalena ay ku barakaceen, dagaalada u dhexeeya qawmiyadaha Dinka iyo Nuer ee ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Suudaanta Koonureed Salva Kiir iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo hadda ah Madaxa East African Community, ayaa kulamo la qaatey madaxda Suudaanta Koonureed sidii loogu dhawaaqi laha xabad joojin wada hadalna u bilaaban lahaa. Sidoo kale Madaxweynaha Sudaanta Koonfureed ayaa kulamo la qaatey raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Madaxweyne kuxigeenkii hore ee hadda hoggaaminaya mucaaradka Kiir ayaa sheegey in xabad jooji iyo wadahadalba ay imaan karaan marka la siidaayo siyaasiyiinta u xiran Madaxweyne Kiir
Dagaalada ka socda Sudaanta Koonfureed ayaa bilowdey taariikhdu markey ahayd 16.12.2013 kadib markii ciidamo taageersan Madaxweyne kuxigeenkii hore ay isku dayeen in ay afgenbiyaan Salva Kiir kaas o fashilmey, dagaalka ayaa kadib ku fidey gobolada Waqooyi halkaas oo mucaaradku taageero xoogan ku haystaan.

COMMENTS
LINKS