|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynihii Ugu Horeeyay Ee Madaw Ah Dalka Koonfur Afrika Oo Geeriyooday Iyo Halyey Ka Baxay Qaaradda Afrika+Taariikh Nololledkiisii.
December 6, 2013 - Written by Editor:Hargeysa(WAJAALEWS) Dis.06, 2013-Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela ayaa geeriyooday isaga oo 95 jira. Mandela in muddo ah ayuu xanuunsanayay, Madaxweyne Jacob Zuma ayaa ku dhawaaqay geeridiisa. Geerida Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela waxaa telefishinka kaga dhawaaqay, Madaxweyne Jacob Zuma oo sheegay in uu geeriyooday Mandela isaga oo qoyskiisa ay la joogaan,Nelson Mandela waxa uu ahaa mid ka mid ah hoggaamiayaasha caalamka ee aadka loo xushmeeyo, kaasi oo hoggaamiyay halgankii lagu beddelay nidaamkii midab-kala sooca ee koonfur Afrika mid jinsiyado kala duwan oo dimuqraadi ah. Isagoo xidhnaa 27 sano, waxa uu ku soo baxay in uu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah iyo in uu ciyaaro door hoggaameed nabadda dhinacyo kale oo khilaaf ka jiray. Kadib markii uu ka degay Madaxweynenimada 1999, Mr Mandela waxa uu noqday Danjirihii Koonfur Afrika ugu magaca dheeraa, isaga oo u ololeeyay la dagaallanka HIV/AIDS iyo inuu xaqiijiyay in dalkiisa uu marti geliyo Koobkii cayaaraha Adduunka 2010. Mandela waxa lagu daweynayay gurigiisa,Waxa uu ku dhashay Rolihlahla Dalibhunga 1918, qabiilka Madiba ee ku hadla Xhosa oo ah dadka Thembu ee dega tuulo yar oo ku taal bariga Cape ee Koonfur Afrika. Koonfur Afrika gudaheeda waxaa inta badan loogu yeedhi jiray magaca qabiilkiisa ee Madiba halka uu bixiyay magaciisa Ingiriiska ah ee Nelson, macalin iskuulka u dhigi jiray. Aabihii oo madax u ahaa boqortooyada qoyska Thembu, waxa uu dhintay Nelson Mandela oo sagaal jir ah, waxaana markaasi loo dhiibay inuu koriyo Caaqil Jongintaba Dalindyebo. Waxa uu ku biiray African National Congress (ANC) 1943, markii hore qof u ololeeya, kadibna aasaasihii iyo Madaxweynihii Ururkii Dhalinyarada ANC. Ugu danbeyn, kadib markii sanado uu xidhnaa, waxaa uu sidoo kale uu noqday Madaxweyne. Waxa uu guursaday xaaskiisi ugu horreysay Evelyn Mase, 1944. Waxa ay is fureen 1985 kadib markii afar caruur ah isku dhaleen. Mr Mandela waxa uu bartay sharciga, waxaana uu 1952 xafiis qareen ka furtay Johannesburg isaga iyo saaxiibkii Oliver Tambo. Ururka ANC waxa la mamnuucay 1960. Markaana Mr Mandela, iyo xubno kale oo hoggaanka ururka ahaa ayaa dhuumasho galay. Tani waxa ay calaamad u ahayd dhammaadkii iska caabin nabad ku dhisan, waxaana Mr Mandela oo markaasi ahaa Madaxweyne ku xigeenka ANC uu bilaabay olole lagu waxyeeleynayo dhaqaalaha. Mandela waxa uu xirnaa muddo 27 sano ah Ugu dambeyntii waa la xidhay waxaana lagu soo eedeeyay in waxyeeleynaya isla markaana uu dagaal doonayay inuu ku rido dowladda. “waxaan difaacayaa aragtida dimuqraadiyadda iyo bulsho xor ah taasi oo dhammaan dadku ay ku wada nool yihiin heshiis iyo fursado loo siman yahay,” Ayuu yidhi. Dhammaadkii 1964 ayaa lagu xukumay xabsi daa’in. Wuxuu ku sii jiray xabsiga jasiiradda Robben Island muddo 18 sano ah, ka hor intaan loo wareejin xabsiga Pollsmoor sanadkii 1982. Boqolaal ayaa la dilay, iyadoo kumanaan la dhaawacay ka hor inta aan kacdoonka baabi’in. Beesha caalamka ayaa sii adkeysay cunaqabateyntii markii ugu horreysay lagu soo rogay 1967 rejiimkii midab kala sooca. Sanadkii 1992 Mr Mandela waxay kala baxeen xaaskiisi, Winnie, arrimo ku saabsan gogol dhaaf. Waxaa lagu helay dacwado la xiriiray afduub iyo inay gacan siisay weerar. Qaabkaasi, ayuuna ku guuleystay in uu ka dhaadhacsiiyo shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah inay joogaan dalka oo ay maal-gashadaan Koonfur Afrika. Sanad-guurada 89aad ee dhalashadiisa, wuxuu sameeyay koox loogu magac dara Odoyaasha oo ka kooban xubno dunida caan ka ah si ay u bixiyaan talo iyo tusaalooyin “si wax logga qabto dhibaatooyinka ugu daran ee caalamka”. Waxaa suurtagal ah in arrinta ugu weyn ee ay tahay in la xuso sanadihii ugu dambeeyay in sanadkii 2005, kadib markii uu dhintay wiilkiisi Makgatho. Markaasi oo ay weli ceeb ahayd in laga hadlo cudurka dilaaga ah ee AIDS, uu Mr Mandela ku dhawaaqay in wiilkiisa uu u dhintay cudurka AIDS, isla markaana uu ku booriyay dadka Koonfur Afrika inay ka hadlaan cudurka oo ay u arkaan sida jiro caadi WAJAALENEWS.COM HARGEISA OFFICE Related posts:Daawo:Wasiir Cadaani Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Masuul Ka Tirsan Jamhuuriyada Ja... DAAWO;-Wasiirka Waxbarashada Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Dugsi Laga Hirgaliyay Deegaanada Tuurcanood Ee ... DAAWO;-Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Wado 2km Ka Hirgalisay Xaafada New Gabiley Iyo Dareenka Ay Shacab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|