Madaxwayne Yaan Xirse Lagugu Dirin Waa Halbowlaha Qarankee “M/WEYNAHEENU WUXUU LA MID YAHAY M/WEYNAYAASHA ADUUNKA….. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Yaan Xirse Lagugu Dirin Waa Halbowlaha Qarankee “M/WEYNAHEENU WUXUU LA MID YAHAY M/WEYNAYAASHA ADUUNKA…..
December 26, 2013 - Written by Wariye:

Waxaan uga socdaa arrintaas,M/weynayaasha aduunku keli kuma aha xoggaanka iyo talada dalalkooda,waxay leeyihiin la taliyayaal dhinac taagan oo mar walba tallaabada uu qaadayo ee arrimaha bulshada iyo siyaasadda debaddaba,kala taliya go’aamada uu ka qaadanayo qoraalada uu ka diyaarsho,kala taliya sida ay ku habboon yihiin ee ugu qurux badan,ka hore intaanay u soo bixin shaaraca ama debadaba.

M/weynayaasha aduunku xafiisyada ay ku shaqeeyaan,waxaa ka sokeeya xafiisyo kala duwan oo hawlo gaara u qabta,kuwaasoo hoos yimaada xog haye ama wasiir gaar u ah oo ay soo maraan,isla markaana toos ugu gudbinaya M/weynaha,kadib marku kala saaro hawlaha loo soo gudbiyey inta ugu muhiimsan ama lagama maar maanka ah,ayuu xafiiskani u gudbinayaa si uu uga baaraan dego,kadibna uga soo jawaabo….. iwm.

Haddaba,M/weynaheenuna kuwaas ayuu ka mid yahay,waxaana dusha ka saaran mas’uuliyad aysan cid kale awood u lahayn dadka kale ee uu mas’uulka ka yahay. Waxaanu leeyahay la taliyayaal kala taliya dhinacyo badan oo qaranka muhiimad gaara u leh. Waxaanay wada hoos yimaadaan kuwaasi,wasaarada madaxtooyada oo ah tan mas’uulka ka ah arrimaha ama hawlaha madaxtooyada oo dhanba.

Madaxtooyadu waxay leedahay Wasiir,wasiirkaasoo ah shakhsi wadaniyadu hadhaysay oo dal iyo dadba daacad u ah,isla markaana ah Gacanta midig ee m/weynaha JSL. Oo aan halkan lagu soo koobi karayn wax qabadkiisa gaar ahaaneed iyo tan guudba, oo aan hadh iyo habeenba ka seexan dedaalka uu ugu jiro inay dadku wax wada qabsadaan iyo inuu dalkani gaadho halka uu higsanaayo.

Waxaase jira shakhsiyaad ka xun dedaalkiisa iyo wadaniyada hadhaysay ee uu doonaayo inu ka midho dhaliyo wax qabadkiisa,isago aan cidna magan uga ahayn. Haddaba kuwa doonayo in meesha laga saaro,waa kuwo aan dan guud u socon,balse u socda danahooda gaarka ah oo danaystayaal ah,isla markaana doonaya inay m/weynaha meel cidlo ah ka helaan,taasina ma aha mid dhacaysa ama dhici doonta.

 

Waxa jira in xiliyaddan dambe ay dalka ku soo badanayaan dad aan si maan-gal ahayn u caadaystay inay u aflagaadeeyaan Masuuliyiinta qaranka qeybahooda kala duwan.

 Ha ugu sii darnaado Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay qaar ka mid ah Mareegaha Internet-ku ay si joogto ah ugu soo qoraan bogagooda aflagaadooyin iyo hadallo xasad iyo xiqdi ah oo ay dusha ka mar-marinayaan Wasiirkaasi oo ah nin xukuumadiisa iyo dalkiisaba daacad u ah.

Muwaadin,bal eeg wax tarkiisi u dambeeyey ee uu kaga qayb galay dhismaha Bireejka 3aad, dhaqaalaha uu kaga qayb galay oo dhan $ 50 [konton kun oo doolar], muwaadin markaad wax qabadkiisa halkaa iska soo dhigto oo aanu qallinkani soo koobi karayn….. ma ii sheegi kartaa maanta wasiir xukuumada ka tirsan oo dhaqaale intaa leeg kaga qayb galay horumarka

dalkan…. Iwm. ? waa maya . haddaba yaan si khaldan wax laguugu sheegin ee Runta iyo qiimaha uu wadanigu leeyahay cashar ka korodhso. Mase jiraa qof si badheedh ah gacantiisa midig u jari karaa….? Waa maya…. La soco haddaba muwaadin Runtuna waa sidaas.

Waxaan leenahay Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu bulshadda Somaliland uu ficil ugu muujiyay in dhalinyaradu ay tahay xoog dihin oo wadanka horumar gaadhsiinaya, waayo maadaama oo uu yahay Wasiirkii ugu yaraa ee soo mara wasaaradda madaxtooyada waxa uu u hawl-galay inuu shaqadiisa ka soo baxo si aanu magac xumo ugu soo jiidin dhalinyaradda, maadaama oo uu yahay nin dhalinyaro ah sidaa waxa yidhi Maxamed Jaamac oo ka mid ah aqoonyahanka Somalialnd

Waxaan ku soo xidhayaa maqaalkan,wasiirku ma aha shakhsi inuu xilkan uga faa’ideysto dan gaara ama dantiisa gaarka ah,balse waa shakhsi danihiisa gaarka ah ka hormariyey danta guud iyo horumarka dalkan,oo cabqari ah xilkas ah,oo ka foojigan wax kasto sumcadiisa,sharaftiisa iyo tan xujuumadaba wax u dhimaya,oo aysan danaystayaasho shirqoolkooda iyo cambaaraynta ay ku cambaaraynayaan waxaan sal iyo raad toona lahayn ee ay suuqa la wareegayaan waxba uguma dhimi karaan sumcadda uu ku leeyahay dalkiisa iyo dadkiisaba,waana shakhsi ka buruud weyn oo daacad u ah wax qabadkiisa.

Haddiise ay dhacdo inuu meesha ka baxo,wasiir Xirsi,laba cali ku wada hadli mayso burburka iyo jabka ku dhaca xukuumadda meel fog ayaa laga dooni doona xalkeeda….iwm. igaba dhan.

Wa Billaahi  Tawfiiq.

Dhaymoolenews.com/Hargeysa

Dhaymoole999@hotmail.com

By.Axmed Macalin Maxamuud

Tell.0634402492

COMMENTS
LINKS