Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Oo Shaaho Sharafyo Gudoonsiyay Hal Abuurada Da’da Yer Ee Somaliland+ Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Oo Shaaho Sharafyo Gudoonsiyay Hal Abuurada Da’da Yer Ee Somaliland+ Sawiro
December 22, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku guda jira dhiirigelinta iyo taageerada uu la garabtaagan yahay dhalin yarada dalka waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay shahaadooyina ku gudoonsiiyey Hal-abuurada da’a yar ee dhawaan ku guulaystay tartankii loo qabtay da’a yarta Gobolka maroodi-jeex, kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii loo dhiiri gelin lahaa hal abuurada dalka u soo koraya, iyaga oo hal-abuuradani ku tartamay gabayo loogu talo galay sidii looga wacyi gelin lahaa dhalinta dalka aafada tahriibta .

Displaying IMG_0245.JPG

Madaxweynaha oo dhalin yaradan aad ka u qiimaha badan uga mahadnaqay sida wadaniyad jacaylku uga dhab-tahay ee ay dadkooda iyo dalkoodaba heeganka ugu yihiin in ay afkooda  iyo maskaxdooda ku difaacaan kuna dhiirigeliyaan khayrkooda badaha isku guraya ee aan dhaadanayn dhibka iyo haligaada ka danbaysa ee ay kala kulmaan badaha, ayaa dhalintan u soo dhaweeyey si kal iyo laab ah isaga oo madaxweynuhu gudoonsiiyey saddexdii Hal-abuur ee kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ku kala guulaystay shahaadooyin.

Displaying IMG_0248.JPG

waxaana xusid gaara mudan in tartamayaashu ay ahaayeen 23 ruux oo isugu jiray rag iyo dumarba welibana ay kaalinta koowaad ku soo baxday kuna guulaysatay gabadh ka mid ah tartamayaashii ku kulmay madashaasi oo lagu qabtay Guriga hay’dda Shaqaalaha Dawlada .

Displaying IMG_0249.JPG

Dhinaca Hal-abuurada da’a yar ee kulankan qiimaha badan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka war bixiyey ujeedada kulankan iyo doorkii ay ka ciyaareen ka dhalin yaro ahaan iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida qadarinta iyo qiimuhu ku dheehan yahay ee uu dhalinta dalka u siiyo ahmiyada koowaad, taasibay yidhaahdeen oo ay markhaati ka tahay sida aad madaxweyne maantaba u joojisay hawlihii aad qaranka u haysay eed nooga ajiibtay kulankan aanu kula qaadanay annaga oo ogsoon in uu wakhtigaagu yahay mid aad u hibaysay una hurtay hore iyo danbaysaba dalka.

Displaying IMG_0257.JPG

ka dhalin yaro ahaana aanu ku faraxsanahay maanta in aanu nabad ku barbaarnay hadhsanayna calankayagii oo nabad ah kuna socod baranay ciidayadii hooyo, hadana nasiib u yeelano in aanu fursad u helno hal abuurnimo weliba aanu madaxweynahayagii oo ahaa halyeygii aanu ku garaadsanay isaga oo dalka iyo dadkuba ay hiigsanayaan, uu manta na hogaaminaayo, halkii dalka looga talinaayey nagu qaabilo taas oo xoojinaysa quluubtayada naguna abuuraysa in aanu dalka uga tagno wax dhaxal gal ah oo taariikhi ah, si kuwa naga danbeeyaa ay u helaan taariikh kayd u ah oo ay hiigsadaan kuna daydaan  geesigoodan qaran ee hada hogaanka u haya siyaasada dalka.

Displaying IMG_0251.JPG

Intaasi ka dib Waxaay madaxweynaha gudoonsiyeen Xarrunta kaydka hiddaha iyo dhaqanka, akhriska iyo qoraalka ee Maxamed Mooge, hadyad ka kooban dhaqankeena suuban kuwaas oo ka koobnaa weelkii ama wiciyadii qadiimiga ahayd ee xeedhada, fandhaal, dhiil, dhiisha iyo weel kale oo ka kooban hidihii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee aynu lahayn.

Displaying IMG_0252.JPG

sidoo kalena waxay u mahadnaqeey Abwaanadii tartanka sida qiimaha badan u daadihiyey ee u soo kala saaray Hal-abuuradan kuwaas oo kala ah.

Displaying IMG_0255.JPG

1.      Axmed Saleebaan Bidde

2.      Saxardiid Maxamuud Jebiye iyo

3.      Cali Caateeye oo iyagu ahaa cidii kartankan u guntatay ee sida bilaa turxaanta ah u soo kala saaray da’a yartii iyaga oo mafsuud ah, kuna qanacsan heerkooda una hibeeyey una hambalyeeyey cidii ku guulaysatay saddexdii kaalmood ee loo tartamaayey kuwaas oo noqday

Displaying IMG_0260.JPG

1.      Deeqa Nuux Yoonis kana socotay Bahda Hal-abuurka, Dhaqanka, hiddaha Akhriska iyo  qoraalka ee Maxamed Mooge

 

2.      Xasan Cabdinaasir Cumar oo ka socday Bahda Hal-abuurka, Dhaqanka, hiddaha, Akhriska iyo  qoraalka ee Maxamed Mooge

3.      Yaasiin Muxumed Faaraax oo ka socday Bahda Hal-abuurka, Dhaqanka, hiddaha, Akhriska iyo  qoraalka ee Maxamed Mooge.

Displaying IMG_0254.JPG

Ugu danbaytiina waxa ay dhalin yaradani mahadnaq u soo jeediyeen wasiiradii sida qiimaha nadan ula shaqaynaayey bilow ilaa dhamaad ee ay ka mid ka ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Xirsi Cali Xaaji Cali iyO Wasiirka Dhalin yarada iyo Ciyaaraha Mudane Siciid Cali Raygal iyo Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha mudane Cali Axmed Cali dhamaantood oo kulankan ku wehelinaayey Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland.

COMMENTS
LINKS