Madasha Wada Tashig Oo Soo Dhaweyse Heshiiski Saddexda Xisbi Ku Gaadheen In Dooda Qaran Lagu Wareejiyo Akadamiyadda Nabada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madasha Wada Tashig Oo Soo Dhaweyse Heshiiski Saddexda Xisbi Ku Gaadheen In Dooda Qaran Lagu Wareejiyo Akadamiyadda Nabada.
December 22, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News):-Madasha wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku taageerayaan Heshiiska sadexda Xisbi ku gadaheen in Doodaas la qabto iyo aqbalaada ay Akadamiyadda Nabadu tunka u ridatay in hawshaas ay fuliso.

War-saxaafadeedka Madasha Wada Tashiga oo uu ku saxeexan yahay guddoomiayaha Madashaasi Xasan Guure waxa uu si furan ugu baaqay in Dooda Saldhigeedu noqdo Sixida Dastuurka iyo Xeerarka kale ee dalku leeyahay.

War-saxaafadeedkaasi oo ku qoran laba Luqadood waxa uu u dhignaa sidaoo nuqun ka midhi soo gaadhay shabakada ee wajaalenews.com waxa uu udhignaa sidan:-

u_115174d_2013-11-5-15-22-31f_madasha

War Saxaafadeed

Haddaanu nahay Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta iyo ururada la bahda ah sida Golaha Aqoonyahanadda waxaanu si diiran u soo dhaweynaynaa heshiiskii ay isla gaadheen seddexda Xisbi Qaran in si wada jir ah oo qabto Shirka Dooda Qaran. Si la mid ah oo niyadsami ah waxaanu teegaaraynaa go?aankii geesinimo ee ay gaadheen Akaadimiyadda Nabada Iyo Xalinta Khilaafaadka in marti geliyaan Shirkaa Dooda Qaran.

Waxaanu kale oo aanu si qalbi furan ugu mahad naqaynaa Bulshada Rayidka, Ururada Dumarka iyo Dhalinyaradda, Golaha Aqoonyahanadda, Xildhibaanada Madaxa Banaan, Saxaafadda Madaxa Banaan iyo Shacabka guud ahaan gudo iyo debedba oo kuligood qayb ka ahaa suurtagalka Heshiiskan.

Ugu dambayntii, anagoo ku boorinayna cid kasta oo ay khusayso in ay si hagar la?aan ah u sii wadaan shaqadoodan amaanta leh, Madashu waxay si mug leh u aaminsantahay in dhaliilaha ku jira Dastuurka iyo Xeerarka Dalka uu noqdo mid ka mid ah arimaha ugu waaweyn ee lagu falanqeeyo Shirkaas.

Allaa Mahad Leh, Wa Bilaahi Toofiiq

Xasan Guure Jaamac

Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta

Press Release

We, the National Consultations and Rectification Forum along with our affiliated partners such as the Intellectuals Forum, warmly welcome the accord that have been reached between Somaliland?s three national parties in which they agreed to broadly hold the proposed National Dialogue Convention. We likewise heartily endorse and appreciate the heroic decision made by the Peace and Conflict Resolution Academy to facilitate the Convention.

Furthermore, we would like to express our deep gratitude to Somaliland?s Civil Societies, Women?s and Youth Associations, Intellectuals Forum, Independent Parliamentarians, Independent Press and the public at large both within and outside the country all of whom have invaluably contributed to the efforts that made the above accord possible.

In conclusion, while we would encourage all concerned to continue their commendable work towards a fully fruitful National Dialogue Convention, it is this Forum?s deep belief that the inadequacies in our Constitution and laws should be one of the primary issues to be comprehensively addressed at the Convention.

Praise Be To Allah

Hassan Gure Jama

Chairman,

National Consultations and Rectification Forum

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS