|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Degmadda Taleex Oo Ka Hadlay Duulaankii ay Ciidamadda Puntland ku Soo Qaadeen Degmaddaasi iyo Khasaarihii Ka Dhashay
December 13, 2013 - Written by Editor:Maayarka Degmadda Taleex Oo Ka Hadlay Duulaankii ay Ciidamadda Puntland ku Soo Qaadeen Degmaddaasi iyo Khasaarihii Ka Dhashay hargeisa(wajaalenews) (): Maayarka degmadda Taleex ee gobolka Sool Jaamac Ciise Axmed (Shaacuur) ayaa sheegay in dagaalkii ay dhawaan ciidamadda maamulka Puntland ku soo qaadeen degmaddaasi ay dhibaatooyin kala duwan u gaysteen dadkii halkaasi deganaa, isla markaana dadkii magaaladaasi deganaa ay dhamaanba ka qaxeen. Waxaanu tilmaamay Maayarka degmadda Taleex in ciidamadda Puntland ay halkaasi ku laayeen dad maati ah oo isugu jiray dumar iyo carruur, isaga oo xusay in dhamaabna dadkii deganaa degmada Taleex oo u qaxay deegaamadda ku dhaw ay xaaladdooda nololeed aad u liidato, isla markaana ay u baahan yihiin in gar-gaar lala soo gaadho. Maayarka degmadda Taleex ee gobolka Sool Jaamac Ciise Axmed (Shaacuur), oo shalay khadka telefoonka ugu waramay shabakadda wararka ee Dhaymoolenews.com isaga oo joogay degmadaasi, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay raashin caawimo ah gaadhsiisay dadkii ka baro-kacay degmada taleex. Isaga oo ka waramaya sida ay haatan tahay xaaladda degmadaasi, waxa uu yidhi “Xaalladda degmaddan Taleex sida aan la wada socono dhawaan dhibaato ayaa ka dhacday oo ciidamadda Puntland ayaa ku soo duulay 28-kii bishii hore, khasaare badan ayay ka gaysteen dad badan oo maati ah oo carruur iyo dumar ah ayay ku xasuuqeen, dhamaanba dadkii magaalladaasi deganaana way qaxeen, dad badana way ku dhaawacmeen, ilaa sided qof ayaana ku dhintay, dad todoba qof gaadhayaana way ku dhaawacmeen, markaa xaalladda degmadu sidaas ayay tahay”. Maayarka oo aanu waydiinay xaalladda dadka halkaasi ku baro-kacay, meelaha ay degan yihiin ee ay u qaxeen iyo tiradoodaba waxa uu yidhi “Shan kunoo qof ayaa halkaasi ku baro-kacay, dadkaasina deegaamadaasi ayay u kala qaxeen, intooda badana hada waa dad qaxooti ah, dadkaasi baro-kacay waxay u qaxeen tuuladda Xallin oo ka tirsan degmadda Taleex iyo deegaamadda ku hareeraysan ayay dadka intooda badani u baro-kaceen, markaa dadkaasi imika in muddo ah ayay halkaasi ku sugnaayeen”.
Jaamac Ciise Axmed (Shaacuur), waxa kale oo uu sheegay in dadkii ku baro-kacay dagaaladii ay Puntland ku soo qaaday degmadda Taleex in ay caawimo kala duwan gaadhsiisay xukuumadda Somaliland. “Haa dadkaasi ka baro-kacay degmadda Taleex way heleen gar-gaar oo waxaa deeq soo gaadhsiisay dawladda Somaliland waana loo gudbiyay oo waa la gaadhsiiyay, aad iyo aad ayaanay dadkaasi deeqda ay Somaliland soo gaadhsiisay ugu bogeen, waxaanay dadkaasi u noqotay mid waxtar u ah, deeqdaasi waxay isugu jirtay Bariis, Sonkor, Daqiiq iyo noocyadda kale ee cuntadda ayay isugu jirtay deeqdaasi” ayuu yidhi gudoomiyaha degmadda Taleex.
Maayarka degmadda Taleex ee gobolka Sool, ayaa baaq u diray xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah in ay gar-gaar la soo gaadhaan dadka ka baro-kacay Taleex oo uu sheegay in ay dhibaatooyin badan u gaysteen ciidamadda maamulka Puntland eek us oo duulay, kuwaasi oo ay ka bililiqaysteen dhamaanba wixii hanta ay haysteen isla markaana ay haatan ku dayacan yihiin dhulka duurka ah. “Dadkaasi dhibaato xoog leh ayaa ku dhacday, dhaqaalahoodii wuu bur-buray, hantidoodii waa la bililiqaystay, guryahoodii waa laga bur-buriyay, markaa ciidamadda maamulka Puntland ee dadkaasi ku soo duulay dhibaatooyin kala duwan ayay gaadhsiiyeen, dhimashadda iyo dhaawaca oo keliya ma aha ee dhibaatooyin kale oo badan ayay u gaysteen, waxay u baahan yihiin in gar-gaar kale lala soo gaadho, markaa waxaan ugu baaqayaa haddii ay xukuumadda Somaliland, hay’adaha caalamiga iyo cid kastaba in ay dadkaasi ay ciidamadda maamulka Puntland baro-kiciyeen in wax lala soo gaadho” ayaa yidhi Jaamac Ciise. Dhinaca kale Maayarka oo aanu wax ka waydiinay sida ay u socdaan hawlahooda maamul ahaan qaabka ay ugu socdaan iyo waxyaabaha caqabadaha ku ah waxa uu yidhi “Nabadgeliyaddu aad ayay u wanaagsan tahay oo aanu u adkaynay, markaa waxaanu u adeegsanaa adkaynta nabadgeliyadda odayaasha iyo cuqaasha, sidii ay noogala shaqayn lahaayeen, annaga waxaa hawlahayaga mar walba noo fududeeya odayaasha iyo cuqaasha deegaanka, marka marka meel wax ka dhacaan ee xalkeeda la raadinayo waxaa aad noola shaqeeya oo nagala qayb qaata odayaasha deegaanka, Somaliland maamulkeedu wuu ka shaqeeyaa degmadda Taleex, waxaananu doonaynaa in aanu imika sii xoojino oo aanu hawlaha dhaqaajino, ciidamo boolis ah oo degmadan ka hwal gala ma jiraan laakiin cida aanu amaan ahaan xagga amaanka aad ugu tiirsanahay waa odayaasha iyo cuqaasha deegaanka WAJAALENEWS.COM HARGEISA OFFICE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|