|
|||||
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Ka War Bixiyey Kulan Albaabadu U Xidhnaayeen Oo Dhex Maray Guddida Booyadaha,Wasaarada Arimaah Gudaha Iyo Wakaalada Biyaha
December 30, 2013 - Written by Editor:Hargeysa(wajaalenews):-kulan albaabadu u xidhan yihiin ayaa magaalada Hargeysa ku dhex maray masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha somaliland,guddi shan xubnood ah oo ay iska soo xuleen booyadaha biyaha u dhaamiya xaafadaha magaalada Hargeysa iyo wakaalada biyaha Hargeysa. Hargeysa(wjn):-kulan albaabadu u xidhan yihiin ayaa magaalada Hargeysa ku dhex maray masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha somaliland,guddi shan xubnood ah oo ay iska soo xuleen booyadaha biyaha u dhaamiya xaafadaha magaalada Hargeysa iyo wakaalada biyaha Hargeysa. Kulankan ayaa lagaga wada hadlayey sidii loo sii anba qaadi lahaa wada hadaladii u dhexeeyey booyadaha biyaha ee ka hawl gala caasimada Hargeysa iyo masuuliyinta xukuumada ah ee arinta booyaduhu khusaysay. Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis oo markii uu kulankani dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa ka war bixiyey wixii laga wada hadlay kulankan waxaanu yidhi ?wasiirka arimaha gudaha iyo guddidii ka socday booyadihii shaqo joojinta sameeyey ayaanu xafiiskayaga ku kulanay taas oo maalintii hore balantu ahayd inay booyaduhu iska soo saaraan shan xubnood, kuwaas oo iska saaray anaguna dawlad ahaan intii hawshaas gali lahayd waanu isla garanay oo ay ka mid tahay wakaalada biyuhu, mida rasmiga ahina waxa weeyaan in hawshaas la dhamayn doono.? Ayuu yidhi maareye Ibraahin Siyaad Yooni Maareeyahah wakaalada biyaha Hargeysa oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray shacabka caasimada isaga oo sheegay in wada hadalada u dhaxeeya masuuliyiinta xukumada iyo guddida booyaha caasimadu uu guul ku soo dhamaan doono waxaanu yidhi ?nimanka ay iska soo xuleen booyaduhuna waa rag odoyaal ah oo reer Hargeysa ah oo caruurtooda u tudhaya anagana xil ayaa naga saaray kolay waxbana isla diidi mayno dibna u dhici mayso wixii maalintii dhawayd dhacay, shacabkana waxaan leeyahay hawshaasi meel wanaagsan ayey maraysaa waanay dhamaan doontaa, si deg deg ahna way u dhamaan doontaa, waxaan leeyahay labada dhinac mid waliba xilka saran ayuu garanayaa oo waanu dhamayn doonaa hawshaas. wajaalenews.com hargeisa office contact;wajalenews@gmail.com Related posts:Madaxwayne Biixi Oo Casuumad Dhaqaale Badani Ku Baxay Ku Dhigtay Gurigiisa ,Xili Xaalada Colaadadee... Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kormeeray Xarumaha Wasaarada Gaashaandhiga Iyo Taliska Guud Ee Booliska DAAWO;-Fanaaniinta Waaga Cusub Oo Soo Saaray Hees Ay Ku Karbaasheen Nabar Iyo Naxdin Iyo Ficilo Ay S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|