Maareeyaha Dekedda Berbera Ayaa Beeniyey Inay Jirto Heshiis Shirkad Ajinabi ah Ay La Gasho Xukuumadu Oo Kusaabsan Dekeda iyo Waxanu Xusay Inaanay Wax Khilaaf ahi Ka dhexeyn Wasiir Kuxigeenka Amniga (Warsaaxafaded) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Dekedda Berbera Ayaa Beeniyey Inay Jirto Heshiis Shirkad Ajinabi ah Ay La Gasho Xukuumadu Oo Kusaabsan Dekeda iyo Waxanu Xusay Inaanay Wax Khilaaf ahi Ka dhexeyn Wasiir Kuxigeenka Amniga (Warsaaxafaded)
December 22, 2013 - Written by Editor:

Maareeyaha Dekedda Berbera Ayaa Beeniyey Inay Jirto Heshiis Shirkad Ajinabi ah Ay La Gasho Xukuumadu Oo Kusaabsan Dekeda iyo Waxanu Xusay Inaanay Wax Khilaaf ahi Ka dhexeyn Wasiir Kuxigeenka Amniga (Warsaaxafaded)

 

 

HARGEISA(WAJAALENEWS) Maareeyaha Dekedda Berbera Ayaa Beeniyey Inay Jirto Heshiis Shirkad Ajinabi ah Ay La Gasho Xukuumadu Oo Kusaabsan Dekeda iyo Waxanu Xusay Inaanay Wax Khilaaf ahi Ka dhexeyn Wasiir Kuxigeenka Amniga  Somaliland  Cabdilllaahi Abokor. Cismaan.  Warsaaxafadedkan waxa Lagu sheegay inuu soo dhawaynayo lana shaqayn doono cidkasta oo xukuummadu heshiis kula gasho ballaadhinta iyo maalgelinta dekedda Berbera.

War-saxaafadeedka Kasoo baxay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera Eng, Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor)  waxa uu u qornaa sidan;

“Maanta oo ay Taariikhdu tahay December 22, 2013 waxaan beeninayaa war been abuur ah oo shalay ka soo baxay Jaraa’idada iyo website-yada qaar. Ma jiro khilaaf na dhex maray Wasiir ku-xigeenka Aminga iyo heshiis dhexgal ah oo madatooyadda lagu qabtay iyo wax caqabad ah oo igaga yimi gelitaanka madaxtooyadda, waanaan ka shaqeeya wasaarad ahaan madaxtooyadda. Arrinta kale ee ku saabsan Shirkaddaha Ajaanibka ah ee doonaya heshiis maalgelineed oo dekedda ah,waxay xukuummadda Somaliland doonaysaa horumarin iyo ballaadhin dhakhso ah oo loo helo maalgelinta dekedda. Marka la helo cid buuxisa horumarka aynu rabno xukuummad ahaan ayuun baa la gelayaa heshiis, anna xukuummadda Ayaan ka mid ahay, waxaannaan ku shaqeeyaa tallada xukuumadda.”

Allaa Mahad Leh

wajaalenews.com

COMMENTS
LINKS