Maalinta Naafada Adduunka Oo Maanta laga Xusay Magaalada Hargaysa iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Qayb-galay.+Daawo-sawirada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maalinta Naafada Adduunka Oo Maanta laga Xusay Magaalada Hargaysa iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Qayb-galay.+Daawo-sawirada
December 3, 2013 - Written by editor

Maalinta Naafada Adduunka Oo Maanta laga Xusay Magaalada Hargaysa iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Qayb-galay.

Hargaysa(Wajaale-News)Munaasibad balaadhan oo loo qabtay maalinta naafada aduunka ayaa maanta sidiiran looga xusay magaalada hargaysa.

Munaasibada balaadhan oo loo sameeyey ayaa waxa kasoo qayb galay madaxwaynaha jamuuriyada somaliland mudan Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu horen munaasibada ayaawaxa ka hadlay guddoomiyaha Dalada guud ee naafada somaliland Mukhtaar Cismaan Waxaana Uu Yidhi?aniga oo ku hadlaya magac guddoomiyaha naafada somaliland waxa maanta noo farxada ah iyaga oo munaasibada nagala soo qayb galay madaxdii dalka ugu sarayse  uu hor kacayo madaxwaynaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo anaga farxada ayey noo tahay madaama waxaanu ahayn dad naafo ah oo aanay cidana hoos u eegi jirin maanta haday xukuumadii somaliland ay heegan noowada-yihiin waa maalin farxadeed.

Dhanka kale waxa uu madaxwaynaha somaliland usoo jeediyey inuu tageero dadka naafada ah waxaana uu yidhi?mudan madaxwayne dadkii dhagoolaha ahaa waxa ay ubaahanyihiin in schoolo iyo goobo ay waxa ku bartaan loo sameeyo nala hoos geeyo wasiirada waxbarashada somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaanu madaxwayne kaaga fadhinaa kaana codsanaynaa,waxqabadkii ay xukuumada siilaanyo ay noo qabatay intii ay jirtay waxa ka mid ah wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland oo wasiirkeeda halkan inala joogo waa wasiirka ka galiya ee ku jira xukuumada intaas leeg ee noogu dhawaaqay Agaasime waaxeed iyo xafiiskiisii oo iswata.

Mar uu ka hadlayey deeqdan baaskiilado curyaanka ah cid soo gaadhsiisay ayaa waxa uu yidhi Guddoomiyuhu?maanta deeq aad iyo aad ubadan ayaa halkan taala oo baaskiilado curyaana ah taas oo ay qarashka lagu sameeyey ay bixiyeen madaxtooyada somaliland waana arin lagu farxo oo waliba lagu faani karo.

Mar uu ka hadlay baaskiiladaha iyo mootooyinka lasiinayo curyaamiinta ayaa waxa uu yidhi?maanta halkan waxa inoo yaala 28midh oo mootooyin ah anaga maanta waxa ay nootahay ninka naafada ah ee maanta fuula mootadaas inuu mato gaadhi seeraf ah mudane madaxwayne arintaas haday madaxtooyada somaliland ay ka timi aad iyo aad ayaanu kaaga mahad celin doonaa.

Guddoomiyuhu mar uu ka hadlay caqabadaha hortaagan dadka naafada ah ayaa waxa uu yidhi?mudane Madaxwayne Labada Qodob ayaanu maanta halkan kaaga codsan doona,Halkudhiga maalintani waxa weeyaan ee caalamka laga wada qaatay caqabadaha haysta dadka naafada ah aynu ka jabino albaabadana aynu ka balaqno si ay uga mid noqdaan xukuumada aad gadhwadeenka ka tahay mudane siilaayo.Sidaas ayaa uu yidhi Guddoomiyaha Dalada Naafada Somaliland.

Sidoo Kale Waxa Isna halkaa waxa hadlay Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somalialnd waxaana uu yidhi?sidaas uu sheegay Guddoomiyuhu waxa maanta farxada ii ah inaan kalasoo qayb galo meel lagu xusayo maalinta naafada aduunka intaa ka dib mudane madaxwayne waxa ururada naafada somaliland lasameeyey 2003dii ayaa lasameeyey waana 30dan urur oo iskugu yimi dastuura somaliland waxa uu damaanad qaadayaa sinaanta cadaalada xoriyada iyo sharafta dhamaan muwaadiniita reer somaliland oo dhan ee ay ku jiraan dadka naafada oo dhami in la qadariyo waxa ay mudanyihiin lasiiyo ayuu damaanada qaadayaa.

Mar uu ka hadlayey siyaasada ay usameeyeen dadka naafada ah ka wasaarada ahaan waxa uu yidhi?wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland waxa ay samayse siyaasada iyada oo la kaashanaysa ururada ay qusayso ee naafada ahi,siyaasadani waxa ay ka turjumaysaa oo ay cadaynaysaa sida dawlada somaliland ay uga go,antay in ay tageerto dadka naafada ah.

Waxa xafladan soo gunaanada madaxwaynaha jamuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxaana uu yidhi?waxa kuligeen farxad wayn inoo ah maanta inaan kasoo qayb-galo xuska maalinta naafada adduunka sanada kasta laga xuso caalamka,oo bulshada caalamka u ah maalin qiimo leh oo dadkeena naafada ah wax kasta haku-nafoobeene ay maanta tahay inaynu qiimayn wayn uhayno,dhamaanteen wayn ognahay inteena kalen waynu xasuusidoonaa waxa ay naga-gudaan iyo waxa ay naga galaan labadaba dadkeena naafada ahi,arinta waa arin inawada saran siiba dawlada saran waan arin wayn oo loo baahanyahay inaynu isgarab taagno dadkeena jilicsan.

Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa uu ubalan qaaday in qiimaha ay leeyihiin dadk naafada ahi ay xusi doonaan waxaana uu yidhi?waxaan balan ku qaadayaa hadii ilaahay nafta noodaayo inaanu bulshadaas naafada ah qiimaha aynagu leedahay aynu xusno oo aynu ka war qabano oo aynu waxa kasta oo ay qaban karaan kalsooni dheeraad ah ku siino haday tahay waxbarasho haday tahay shaqo iyo waxa kasta oo ay bulshada uga baahanyihiin ayaa loo baahanyahay in aynu tix galino.sidaas ayaa uu yidhi Madaxwayen Siilaanyo.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS