Kulankii Xildhibaanada Beesha Bariga Burco ay La Yeesheen Madexweynaha Arinta Dooda Adagi ka Dhalatey Ee Xildhibaan Obama iyo Dareenada Ku Xernaa ee hadalkii Marwada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulankii Xildhibaanada Beesha Bariga Burco ay La Yeesheen Madexweynaha Arinta Dooda Adagi ka Dhalatey Ee Xildhibaan Obama iyo Dareenada Ku Xernaa ee hadalkii Marwada
December 23, 2013 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS) Intaa ka dib qadar saacad badhkeed ah markii doodu ka dhex socotay wasiirka macdanta iyo xildhibaanada ayaa la sheegay in wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wada hadal ay yeesheen u sheegay in Madaxweynuhu si rasmiya ula kulmi doono xildhibaanada,

 

Hargeysa(wajaalenews)?Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo oo la sheegay inuu habeen hore qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay xildhibaanada beesha bariga Burco kaga jira golaha wakiilada ayaa la sheegay inuu ka cudur daartay inuu kulankaasi goobjoog ka noqdo xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay xisbiga Kulmiye.

 

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada, hase yeeshee ila wareedyo u dhuun-daloola xildhibaanada golaha wakiilada ayaaxaqiijiyay in Madaxweyne Axmed Silaanyo habeen hore aqalka madaxtooyada kulan yeeshay xildhibaanada bariga Burco toban xubnood oo ka mid ah, isla markaana ila wareedyadu tibaaxeen in markii xildhibaanadu soo galeen madaxtooyada la sheegay in wasiirka macdanta iyo biyuhu Xuseen Cabdi Ducaale ku wargeliyay xidhibaanada in Madaxweynuhu aanu qaabilaynin xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo xubnahooda kale uu qaabilayo, taas darteedna ila wareedydu intaa ku dareen in xildhibaanadu iyaguna dhinacooda sheegeen inaanay ogolaanaynin in xildhibaanku ka hadho, balse iyagoo isku dhan la qaabilo.

 

 

Intaa ka dib qadar saacad badhkeed ah markii doodu ka dhex socotay wasiirka macdanta iyo xildhibaanada ayaa la sheegay in wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wada hadal ay yeesheen u sheegay in Madaxweynuhu si rasmiya ula kulmi doono xildhibaanada, taas darteedna kulankoodii u qabsoomay Madaxweynaha iyo xidhibaanada.

Kulankaasi ayaa la sheegay inay Madaxweynaha iyo xildhibaanada bariga Burco ay kaga wada hadleen arrimo ku saabsan xaaladaha ka taagan golaha wakiilada iyo khilaafka ka dhex oogan shirgudoonka, taas oo ila wareedyadu intaa raaciyeen in xildhibaanadu Madaxweynaha ugu soo jeediyeen inaanay xukuumadiisu wax faragalin ah ku samaynin arrimaha ka dhextaagan shirgudoonka wakiilada, iyadoo sidoo kalena xildhibaanada qaarkood la sheegay inay dhaliilo uga soo jeediyeen gudoomiye ku xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax khilaafaadka ka taagan golahooda wakiilada.

 

Waxa kale oo wararku intaasi ku darayaan in xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo la sheegay inuu si weyn uga cadhooday arrinkaasi uu usoo gudbiyay wasiirka macdantu nidar ku galay inaanu dib u iman doonin qasriga madaxtooyada, isla markaana uu si weyn wixii imika ka dambeeya uu farta ugu fiiqi doono qaladaadka iyo dhaliilaha ay xukuumadu leedahay, isagoo dhinaca kalena lagu tilmaamo xildhibaanada Kulmiye ee hormood ka ah isbedelada ka socda golaha wakiilada muddooyinkan dambe.

 

Dhinaca kale Waxa kulankan uu Xildhibaanada Bariga Burco kula kulmey Xarunta Madaxtooyada Madexweyne Siilaanyo, Ku Wehelinaysey Marwdaiisa Aamina Sheekh Maxamuud Maxamuud Jirde(Aamina-Waris), oo si adag ula hadashey Xildhibaanada taas, oo dareen gaar ah laheyd iyadoo, Xildhibaan Ibraahim Caraale Cabdi (Ruush), in uu Madexweynaha ugu Quus gooyay in aanay Xildhibaanada Bariga Burco Xukuumada qaladaad ku taageeri doonin.

 

 

 

Source Haatuf

COMMENTS
LINKS