|
|||||
WAJAALE NEWS
Kulan Garnaqsi Ah Oo Maanta Dhex Maray Madax Qaybeedyada Telefishanka Qaranka Iyo Gudi Wasiiro Ah Oo Madaxweynuhu U Soo Xilsaaray Wax Ka Qabashada Tabashadooda. dhagayso
December 15, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa (Wajaale News)-Wasiirada Xannaanada Xoolaha iyo Hawlaha Guud ee Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali iyo C.risaaq Khaliif Axmed oo ahaa Gudi uu Madaxweynaha Somaliland u soo Xilsaaray Xalinta Cabasho Mudooyinkii u danbeeyay ka dhex aloosnayd Kaamboolka Wasaarada Warfaafinta Gaar ahaan Telefishanka Qaranka ayaa maanta Kulankoodii 1aad la Qaatay Madaxqaybeedyada Telefishanka Qaranka .
Madaxqaybeedyada ayaa far weyn ku muujiyay Cadaalad daro, Eex, Qof Jeclaysi iyo Nidaam Qabyaaladeed oo dhex yaala Telefishanka Qaranka,Waxaa kale oo ay Sheegeen inaanu Jirin Qorshe iyo Siyaasad Maamul oo lagu Wada Shaqeeya taasina ay tahay sida ay ku doodeen ta markastaba Sababta in Khilaaf uu ka dhex Curto Wasaaradan isla markaana loo baahan yahay sidii Xal Deg deg ah looga gaadhi lahaa iyo Weliba sidii loo simi lahaa Xuquuqda Shaqaalaha taas oo ahayd Soo Jeedin uu hore u balanqaaday Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse.
Hargaysa Office Related posts:Madaxtooyada oo ku fashilantay Qafaalashada mid kamid ah xubnaha guddida fulinta ee ururka Jiidali Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ku Dhawaaqay Wakhtiga la Qabanayo Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga , Dh... DAAWO;-Fanaanada Caanka Ah Ee Aamina Xirsi Wabar Oo Ka Hadashay Guusha Barkhad Batuun Iyo Sobobta Ay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|