Khubaro Sameeyey Fargal Faryarada Lagu Xidhaayo oo Yaraynaya Khuurada Habeenkii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khubaro Sameeyey Fargal Faryarada Lagu Xidhaayo oo Yaraynaya Khuurada Habeenkii
December 24, 2013 - Written by editor

 

Fargalkan waxa ku xidhan badhan la riixaayo, kaasoo si toos ah u naacaya xidida jidhka, isla markaana dulalka sanka ku qasbaya inay is guraan, halkii qofku uu ka neefsan lahaa afka marka sanku xidhmo

Saynisyahano u dhashay Ingiriiska, ayaa ku guulaytay inay nashqadeeyaan, isla markaana sameeyaan fargal qiimihiisu aad u jeban yahay oo ka hortagaya khuurada dadk qaar habeenkii sameeyaan markay hurdaan.

Khubaradan waxay ogaadeen in 85% dadkii fargalkan xidhay oo khuurin jiray badankoodu ay joojiyeen khuuradii, hurdo raaxo lehna seexdeen.

Fargalkan oo loo bixiyey fargalkii habeenka wanaagsan (Good Night ring) waxa akhtiraacay Michael Carter-Smith, kaasoo ah nin aad loogu yaqaan ikhtiraacida waxyaabo badan oo muhiim ah.

Fargalkan waxa ku xidhan badhan la riixaayo, kaasoo si toos ah u naacaya xidida jidhka, isla markaana dulalka sanka ku qasbaya inay is guraan, halkii qofku uu ka neefsan lahaa afka marka sanku xidhmo.

Cilmi-baadhista fargalkan lagu daah furay oo 20 qof lagu tijaabiyey, kuwaasoo aad u khuuriya markay hurdaan, waxa lagu ogaaday in ay khuuradii joojiyeen, iyadoo lagu tijaabiyey faraha kale ee gacmaha, balse falgalkan waxa uu khuurada joojinaya  marka faryarada lagu xidho.

17 nin oo ka mid ah dadka cilmi-baadhista fargalkan khuurada joojinaya lagu tijaabiyey waxay joojiyeen khuuradii markay hurdaan ay samayn jireen, iyagoo hurdo raaxo leh seexday markay fargalkan faryarada ku xidheen.

Fargalkan waxa si gaar ah u nashqadeeyey khubaro ka tirsan shirkadda Aspen Clinical Research oo ku taal dalka Ingiriiska.

?Intii shirkadan 30 sanno shaqada waday wali manaan soo saarin qalab yaraynaya khuurada, waana arrin muhiim ah,? ayuu yidhi  Danny McCamlie oo ah ninka ugu khabiirsan saynisyahannada shirkadda Aspen.

Khabiirka ikhtiraacay fargalkan Mr. Carter-Smith waxa uu sheegay in qofka aadka u khuuraya faryarada uu doono uu ku xidhan karo fargalkan, waxaannu yidhi; ?Waxaynu ku nool nahay  bulsho iska dhib badan, qof kastana waxa u muhiim ah inuu helo hurdo tayo leh, kuna filan.?

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS