|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaafka Wasiirka warfaafinta iyo Maareeyaha Telefishanka qaranka oo ay la kala safteen Madaxtooyadda iyo Wariyayaashu
December 6, 2013 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Khilaafkii ka dhex qarxay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka C/laahi Maxamed daahir (Cukuse) iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas ayaa marayaa halkii ugu xumayd ee ay gaadheen khilaafyadii ka dhex dhici jiray masuuliyiintii uu galaaftay Telefishankaasi, waxaana muuqata in Madaxtooyadda iyo wariyayaashu si weyn ula kala saftaan labada dhinac. Wararkii u danbeeyey ee Wajaale ka heshay khilaafka ka dhex taagan Wasaaradda iyo Telefishanka ayaa sheegaya in Wasiiraddu ku kala safteen Madaxtooyadda dhexdeeda isla markaa ay u kala jabeen koox taageersan Cukuse iyo qaar taageersan Khadar Cali Gaas taasoo sababtay in aanay Madaxtooyaddu wali ka soo saarin go’aan rasmi ah oo Khadar Cali Gaas hawlihiisii dib ugu bilaaban karo, wallow wararka qaarkood sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo Amray in labada masuul shaqadooda ku kala eekaadaan oo midkoodna Wasaaradiisa joogo ka kalena Telefishankiisa. Warka sheegaya go’aanka ah in Khadar Cali Gaas hawshiisii wato aayaan dhaqan gelin waxana la filayaa berry oo Sabti ah in uu toos u shaqo tagi doono, hase yeeshee warar kale oo ka duwan warkaas ayaa tibaaxaya Berri in kulan balaadhan oo la isku soo horfadhiisiin doono labada masuul uu ka dhici doono Qasriga Madaxtooyadda kaasoo lagu gorfayn doono Natiijada rasmiga ah ee lagu kala xadayn doono hawshooda ama lagu kala kaxayn doonaba. Khilaafka labada Masuul Cukuse iyo Gaas ayaa u muuqda mid la mid ah kii Kulmiye dhawaan ka dhex qarxay, waxaana muuqda in Madaxtooyaddu labadooda kolba mid taageero u muujinayso, taasoo ka imanaysa awoodaha is-hirdiyaya ee ay kala wataan kooxaha Madaxtooyadda awooda xoogan ku leh oo la kala safan labadan masuul, waxaana muuqda Weerar iyo weerar celis iska soo daba dhacaya. Dhinaca kale, Khilaafka Wasaaradda warfaafintu waa uu gaadhay heerkii ugu xumaa waana markii koowaad ee ay shaqaalaha wasaaradaasi ama wariyayaashuba la kala saftaan masuuliyiintii soo martay wasaaraddan Khilaafku ragaadiyey, waxaanay shalay soo kala saareen laba war-saxaafadeed oo ay ku kala taageerayaan labada dhinac ee isku haya awooda wasaaradda. Arrintan ayaa khatar ku ah nidaamka wasaaradaasi oo ah mid xaasaasi ah oo ahddii ay sidan ku sii socoto dhaxalsiin karta in cadho darteed shaqaaluhu ugu kici karaan gadood sababa in la bakhtiiyo ama khasaare kale la soo gaadhsiiyo Transmitterada baahinta maadaama ay xaajadu ka culustahay sidii hore. War kale oo manta oo Jimce ah soo baxay ayaa sheegaya in koox ka socotay Qasriga Madaxtooyadda oo uu gadh-wadeen ka yahay Af-hayeenka Madaxtooyaddu kulan qado ah ku yeesheen hotel ku yaala magaaladda hargeysa, kaasoo qayb ka ahaa khilaafka Wasaaradda warfaafinta ka dhex aloosan, balse illaa hada xog faahfaahsan lagama hayo waxa uu daaranaa kulankaasi. Si kasta ha ahaatee khilaafka wasaaradda ka dhex jira ayaa soo taxnaa tan iyo intii xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka qabatay, taasoo la kawsatay in markaliya la dareeriyo shaqaalihii iyo masuuliyiintii wasaaradaasi, iyadoo ku bedeshay shaqaalihii Radio-gii Kulmiye ee Horyaal, waxaana illaa xiligaas iska soo daba dhacaya Eedo musuq maasuq oo ay isku jeedinayaan Madaxtooyadda iyo Masuuliyiinta ka soo jeeday ee loo kala magacaabay sadexdii sano ee uu Madaxweyne Siilaanyo talada hayey Related posts:Maayarka Caasimada Oo Soo Saaray Awaamiir La Xidhiidha Ku Ganacsiga Badhtamaha Suuqa Iyo Wadooyinkii... Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Khilaaf Soo Kala Dhex galay Iyo ... Dhagayso Xaflada Si Heer Sare Loo Soo Agaasimay Oo Si Rasmiya Loogu Caleemo Saray Ugaaska Guud Bees... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|