Iskaashatooyinka Booyadaha Biyaha U Dhaamiya Hargeysa Oo Dhigay Mudaharaadyo Shaqo Joojin Ah Oo Ay Kaga Cabanayaan Cashuuro Lagu Soo Rogay Iyo Biyo La`aan Ka Taagan Hargeysa+Sawiro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Iskaashatooyinka Booyadaha Biyaha U Dhaamiya Hargeysa Oo Dhigay Mudaharaadyo Shaqo Joojin Ah Oo Ay Kaga Cabanayaan Cashuuro Lagu Soo Rogay Iyo Biyo La`aan Ka Taagan Hargeysa+Sawiro.
December 26, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-Mudaharaado balaadhan oo biyo tiray xaafadaha Hargeysa oo ay ku dhaqaaqeen Iskaashatada Booyadaha Hargeysa, kuwaas oo dhawr boqol oo booyadood oo Hargeysa u dhaamin jiray ku ururiyey barxado ku yaala Hotelka Crown iyo Shiraaqle ee Barriga iyo Galbeedka Hargeysa.
12
Booyadlayaasha ayaa ka cabayanay cashuuro ay ku soo rogeen Dawladda Dhexe iyo ta Hoose ee Somaliland, waxaanay sheegeen illaa xukuumaddu ka noqonayso Tacriifadahaas in ay wadayaan Mudaharaadka.
11
70% magaaladda Hargeysa waxa u dhaamiya Booyadaha, waxaana saaka laga dareemayaa biyo la’aan kadib markii ay Booyadahani shalay shaqada jooijiyeen iyagoo isla markaana maaanta mudaharaad balaadhan ku soo bandhigay cabashadooda.
10
Talaabada ay Booyadlayaashu ku dhaqaaqeen ayaa durtaba sii fidaysa waxaana ku soo biiraya qaar ka mid ah Iskaragooyinka Ciida iyo Dhagaxa gura, kuwaas oo qaba isla cabashada Cashuuraha la kordhiyey, kuwaas oo ay ku tilmaameen in aanay qaadi Karin.
9

C/laahi Caydiid Xayd oo ah Af-hayeenka Booyadlayaasha oo u waramayey warbaahinta  ayaa ayaa sheegay sababta ay u mudaharaadayaan waxaanu yidhi “ waxa saaka nagu kalifay in aanu mudaharaadkan Salmiga ah samayno dhibaato nagala soo daristay cashuuraha ay xukuumaddu na saartay kuwas oo ah kuwo aanaan qaadi karayn, markaa waxay nala noqotay in aanu booyadahayaga iska dhigano oo dhibta aanu ku qabno ay nala dareemaan Dawladda iyo dadweynuhuba” ayuu yidhi
8
Af-hayeenka oo la weydiiyey intii aanay mudaharaadin ka hor in ay xidhiidh la sameeyeen Xukuumadda si wax looga qabto cabashadooda waxa uu yidhi “wasaaradda Maaliyadda iyo Arrimaha gudahaba waanu u tagnay waxay noogu jawaabeen Baarlamaan baa Ansixiyey markaa iska bixiya Cashuurta, dee anana waxaanu xal moodnay in aanu iska dhigano baabuurtayada maadaama aanaan awoodi karayn” ayuu yidhi
7
Mar la weydiiyey booyadlayda tiradooda iyo inta ay wadayaan mudaharaadka waxa uu yidhi “halkan laba boqol iyo dheeraad baa jooga, dhinaca Barrie e shiraaqlana intaas in leeg, mudaharaadka isaga waanu wadaynaa illaa inta ay xukuumaddu ka noqonaysao cashuuraha ay na saartay” ayuu yidhi
6
Sidoo kale, shaqo joojinta Booyadlayaasha ayaa saamayn kale ku yeelanaysa dhismayaasha ka socda Caasimadda iyo xaafadihii ay u dhaamin jireen kuwaas oo ay shaqadoodu  iyo helitaanka biyahooduba ku xidhan tahay Booyadlayaasha iyo Iska ragooyinka.

5
Waxaana Ka war bixinaya Eng Fu,aad C/lahi Ismaciil, waxanu yidhi: aad ayaan ugu xunahay hakadka ki yimid booyadlayaasha maadama oo ay laf dhabar u yihiin dhismaha waxanu sheegay in hadii sidaas lagu sii wado aanay jirayn waxa dhisme ah oo la dhisi doono.
4
Geesta kalena waxa isna halkaas ka hadlay qaar kaimda ah mulkiila yaasha waxanay sheegeen inay arintani tahay waxa laga xumaado maadama oo ay bayadlayaashu ay u adeegan dadka dan yarta ah bulshada inteeda kala duwan.

13
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS