|
|||||
WAJAALE NEWS
Indho ka lalinta degmada farawayne ee Madaxwayne siilaanyo
December 11, 2013 - Written by Editor:W/Q: Hussein Yusuf Ahmed Hargeisa, Somaliland Qaylada xaduurkii ninkay xaraqday laabtaydu Xusulduubka orodkii ninkaan dhab ugu xuurtoomay Ayaa habar xabuushay ninkii xiidka la imooday Jilibkii xadhadhaa ninkaan ugu xajiimoobay Guuraha xambaarada ninkuu xagarku ii jeexay Waxbana yaanu xeerkii imarin xoolana isiine Xasha’e nin libin ka xistiyay xumahii waa yaabe
Tan iyo aasaaskii xisbiga kulmiye, iyo marxaladihii kala duwanaa ee noloshii mucaaridnimada ee madaxwayne siilaanyo, dagmada farawayne waxay ahayd tiirarkii ugu waawaynee ee xisbiga kulmiye ku taagnaa, waxay ahayd tooshka uu wax ku arko, bulshada ama taageerayasha xisbiga kulmiye ee ka soo jeeda dagmada farawayne, 26ka june iyo dagmada ibrahim koodbuur waxay ahayeen kuwii xabada iskaga dhigayay ahmed siilaanyo,waxay ahayeen kuwii u dhimanayay amaba u dhintay, waxay ahayeen kuwo calaamad u ahaa xisbiga kulmiye.
Markii la guulaystay, ee xisbigii taladii hantiyay, siilaanyo farwayne wuxuu ka dhigay heeryo uu iska rogay, daqiiqadiiba wuxuu iloobay dadkii halganka la soo galay, wuxuu banaan cidlo ah ka maray dadkii cadceeda u taagnaa, waxa taas ka sii daran, xiitaa muu gudan wajibaadkii qaran nimo ee ka saarnaa bulshada guud ahaan,
Doorkii Muhiimka ahaa ee dagmadu ku lahayd halgankii SNM
Dagmada farawayne oo ah dagmada ugu baladhan gobolka maroodi jeex, si wayna loogu xasuusto halgankii SNM,Hoosyimaadaana 33 tuulo mujaahidiintii ugu qiimaha badnaana ay ka soo jeedaan, dhaqaalihii ugu badnaa ee SNMna laga uruiyay, Laguna aasaasay guurtidii ugu horaysay ee somaliland, waa dagmadii marti galisay shacabka somaliland markii la qaxay ,Waa dagmadii ay katalaabeen ciidankii ugu badnaa iyo dadkeediiba kuna biireen halganka, Waa degmo hormood ka ah isbadalkii kulmiye kula wareegay taladii wadanka, Bulshada reer farawayne oo deegaan ahaan ilaa Etiopía degan, kuna caan ah deegaanada, Harta sheikha, Jiingada, dibiile, qabri bayax, Xarshin, qudhac ramale, masaajidka Iyo calaydh ee wadanka ethiopia. Ahmed siilaanyo oo aqoon fiican u leh, bulshadan oo uu in badan ku soo dhex noolaa, waxa ay bulshadani is waydiinaysaa godobta ay ka galeen siilaanyo, bulshadan oo tirsanaysay inay qarankan iyo umadaba abaal ku leedahay, gaar ahaana, madaxwayne siilaanyo abaal gar ah ku leedahay iyagoo soo ag istaagay marxalado adag oo noloshiisa ka mid ah lana dabaashay, waxay ku noqotay filanwaa iyo arin ma hadho reeebtay
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|