|
|||||
WAJAALE NEWS
ILAAHOW HA IDIN OGAYSIIN! MUJ CALI GUREY;;;;;;;;;;;;;;;;
December 6, 2013 - Written by Editor:ILAAHOW HA IDIN OGAYSIIN!
HARGEISA (WAJAALENEWS)Waxa nasiib daro ah xukuumadda Somaliland waxa ka dhacya gobolka sool gaar ahaan mashaqada Taleex iyo khasaaraha ka dhacay halkaa ee dhimasho, dhaawac, burbur iyo baro kacba leh uma aragto arin muhiim ah oo wax ka soo qaad leh ama xataa ka ka hadal mudan. Iska daa wax kale eh waanu ka xunahay may odhan muwaadiniintii ku dhintay na tacsi xataa umay quudhin. Dadka reer Sool ee dhibaatada dagaaladu saameeyeen fikirkooda siyaasiga ah ma ku waayi karaan xuquuqdooda ka muwaadiniin ahaan oo ma loo aqoonsan karaa dad aan muwaadiniin ahayn. Ilaahow haa iyo maya meel ha nagaga wada yeedhiin waxa ka dhigan reer Sool waa Somaliland hada na maaha. Waxa bariga ka dhacayay indhaha xukuumaddu way ka sii jeedeen, jid gooyadii ay ciidanka Puntland ee taleex soo weeraray u geli lahaayeen na wxay u galeen wafti UCID ah oo Gebilay ku socday. Waxa nasiib daro ah halka ay uga galeen Casbudla ama Caabuda, sida uu magacu sax ku yahay. Waayo Caabudi waxay ahayd baa la yidhi gabadh muuminad ah oo Sheikh Waafi iyo Sheikh moodle la wakhti ahayd hadii aanay mid ahaan walaashii ahayn ilaa hada na inay culimo muslin ah ahaayeen waa la sheegay lakiin cid ay ahaayeen lama xaqiijin. Wakhtigii dagaalka Caabudli waxay ku caan baxday goobtii ugu adkayd ee xoogagii SNM ay jidgooyada ugu adag uga geli jireen cidamadii taliskii Siyaad Barre oo Caabudla ku daray cadaabaha( todobada cadaabood iyo Caabudla. Maanta ma waxay noqotay goob jidgooyada looga galo mucaaridka xukuumadda iyo muwaadiniin xaq u leh inay helaan xoriyadda dhaqdhaqaaqa( the right to freedom of movement). Waxa ka daran cidda iyo sababta ka dambaysay jidgooyada, malaha waxa haboon in aan idhaahdo waxa ka dambeeyay Madaxwayne Silanyo waayo tu wal oo kale ba way ka sii xuntahay Salaan Carabay na wuxu yidhi:XAAJADA BADH BAA LA HUWIYAA. HUGA LA SAARAAYE, bal se inta ogi way og tahay inta aan ogayna waxan leeyahay ILAAHOW HA IDIN OGAYSIIN!. Balse waxan odhan karaa uun halkii laga soo abaabulay shirqoolkii HUBAAL iyo kii Xildhibaan Qabille iyo qaar kaloo badan ayuun baa kanna laga soo abaabulay kuwo dambe na laga soo abaabuli doonaa. Wax nasiib darro ah in kuwa waxan samaynayaa ay ina leeyihiin Madaxwayne Silanyo ayaanu wanaagiisa doonaynaa isagu na uu moodayaa inay wax u tarayaan. Xaqiiqadu se waxay tahay in ay u jiraan wax yeeladiisa oo keliya. Maxaad se kaga daali isagu na iska qaban maayo cid kale oo ka qaban kartaa na ma jirto eh. WAJAALENEWS.COM
HARGEISA OFFICE
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|