|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaanka Xisbiga Kulmiye Iyo Guddida Qaban Qaabada Shirweynaha Xisbigaas Oo Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay Dib U Dhac Ku Yimid Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Iyo Muddo Cusub Oo Ay U Qabteen
December 24, 2013 - Written by editorHargeysa(Wajaale-News ):-guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay inuu dib u dhacay shirweynihii xisbiga Kulmiye oo ku beegnaa inuu qabsoomo 25/12/2013.
Hargeysa(Wajaale-News ):-guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay inuu dib u dhacay shirweynihii xisbiga Kulmiye oo ku beegnaa inuu qabsoomo 25/12/2013. Guddoomiyaha gudda qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye Axmed Cali Maxamuud iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday dib u dhaca ku yimid qabsoomida shirweynaha xisbiga Kulmiye, oo ay haatan ka hadhsan tahay oo kaliya saacado koobani. Ugu horayn gudoomiyaha guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye Axmed Cali Maxamuud oo ka hadlaya dib u dhaca ku yimid shirweynaha xisbiga ayaa waxa uu yidhi ? saaka waxaanu furanay shirkii guddida qaban qaabada, qabsoomidii shirweynaha oo mudadiisii hoosta naga soo gashay darteed waxaanu go,aan ku gaadhnay in 21/1/2014 uu qabsoomo shirweynihii xisbiga Kulmiye? ayuu yidhi gudoomiyaha guddida qaban qaabada shirweynah xisbiga Kulmiye. Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa guddida uga mahad celiyey wakhtiga ay u qabteen qabsoomida shirweynaha xisbiga waxaanu yidhi ?Aad ayaan ugu mahad naqayaa guddida qaban qaabada shirweynaha oo ilaa shalay dedaalaysay oo isku yimid samaystayna qorshayaashii ay ku shaqayn lahaayeen iyo guddoomiyayaashoodii, waynu daahnay waana qasab inaynu dib u dhacno shirka intaas leeg miisaanka leh sababo badan awgeed.?
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa ayaa u guddida qaban qaabada uga mahad celiyey wakhtiga ay u qabteen inuu qabsoomo shirweynaha xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi ?waxaan aan idiinka mahad naqayaa inaad keenteen wakhti ku haboon 21/01/2014 waana mudo dhaw marka la eego hawsha idiin taala oo ah hawl badan sida kalana way dheer tahay oo waa mudo dheer hase yeeshee waxaanu idinku raacaynaa tiisa, waxa inoo go,aan ah inaynu shirka xisbiga qabano wakhtigaas, qaban qaabada shirkuna idinka ayey idinku dhacaysaa waxaanan jecelnahay inay cid waliba gacan idinku siiso sidii aad u gudan lahayd waajibaadka idin saran, waana shir weyn oo ay iskugu imanayaan dad badan, waanan idiin ducanaynaa dadka reer Kulmiye-na ee walaacsanaana waxaan leeyahay hawshii way dhamaatay,.? Ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
WAJAALE NEWS DESK WAJAALE OFFICE Related posts:Gudida Dabagalka Ee Golaha Wakiilada Oo Kulan La Qaatay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Iyo Nux... Taliyaha Ciidanka Booliska Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Rug Boolis Oo Laga Hirgaliyay Degmada Farowayne. Musharaxa Madaxweyne Ee Ucid Oo Sheegay In Xalinta Shaqaaqada Baliga Diiriye Guuleed Xukumaddu Jid K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|