Hogaanka Kulmiye Oo Kulan La Yeeshay Gudida Qaban Qaabada ee Shirweynaha Kulmiye iyo Xubnihii Is Casilay Oo Kaalmahoodii La Soo Buuxiyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaanka Kulmiye Oo Kulan La Yeeshay Gudida Qaban Qaabada ee Shirweynaha Kulmiye iyo Xubnihii Is Casilay Oo Kaalmahoodii La Soo Buuxiyey
December 16, 2013 - Written by Editor:

Sidoo kale waxa ay u sheegeen in ay u madax banaan yihiin doorashadooda cid hogaamin doonto, t

Hargeysa (wajaalenews.com) – Guddoomiyaha xisbigakulmiye, Guddoomiye ku xigeenada Kulmiye, Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyoGuddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbigaasi ayaa maanta kulan isugu yeedhaygudida qaban qaabada ee shirweynaha Golaha Dhexe.

Kulankan oo looga gol lahaa sidii gudida qaban qaabada ee shirweynaha xusbiga kulmiye u soo dhamaystirilahayd  hawlihii loo igmaday inta ka hadhay Shirweynaha Golaha Dhexe eeLoo asteeyay in uu qabsoomo bishan aynu ku jirno ee December Dabayaaqadeeda.

Sida ay ilo wareedyou dhuun daloola kulankaasi ay hadhwanaagnews u sheegeen Xubnahan



shirka layeeshay guddida qaban qaabada ayaa si aad ah ugula dardaarmay Gudida qabanqaabada in ay dhexdooda iska saaraan xurgufta isla markaana u diyaar garoobaansidii ay u soo dhamaystiri lahayd wixii ka qabyo ah.

Sidoo kale waxa ay usheegeen in ay u madax banaan yihiin doorashadooda cid hogaamin doonto, taas oouu hore muran uga dhex dilaacay xubnihii guddida qaban qaabada ee uu MagacaabayMujaahid Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale Xubnosaddex ahaa oo iska casilay gudida qaban qaabada ayaa laga aqbalay istiqaaladiiay soo gudbiyeen, waxaana saddexdaasi xubnood lagu soo bedelay kuwo cusub.

Cumar Cilmi Diixoodoo isagu ka mid ahaa gudida qaban qaabada, balse iska casilay xilkaasi waxa lagusoo bedelay Prof. Maxamed Xuseen Mu?adinka, Amaal Xaaji Axmed Miisaan ooiyaduna istiqaalad Soo gudbisay waxa iyadana lagu soo bedelay Garyaqaan Barkhadjaamacaare, halka xubinta saddexaad oo ahayd haweenay iyadana kaalinteedii uuguddoomiye Muuse Biixi Cabdi ku soo bedelay Xubin kale.

Markii uu kulankaasidhamaaday ayay gudida qaban qaabadu shir ka yeesheen sida ay hawlaha u geli doonaan,waxaana dood dheer ka dib loo saaray shan xubnood, kuwaas oo maalinta Berri ahgo?aan rasmi ah kula soo laaban doona Guddida qaban qaabada.

Si kastaba ha ahaatee shirweynaha    Kulmiye ayaa lagu wadaa in uu bishan dabayaaqadeeda ka qabsoomo dalka, kaas oo  lagu go?aamin doono Murashaxiinta DoorashadaMadaxtooyada uga qayb geli doonta Xisbiga Kulmiye iyo waliba GuddoomiyahaXisbigaasi sii wadi doona.

    WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS