Hanti dhawrka oo la sheegay inuu TV-ga Qaranka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hanti dhawrka oo la sheegay inuu TV-ga Qaranka
December 3, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa, December 3, 2013 (Wajaalenews) – Hanti dhawrka guud ee Somaliland ayaa la sheegay inuu galay TV-ga Qaranka Somalilancukd ka dib markii dhawr maalmood horteed shaqada laga joojiyay Maareeyihii TV-ga Qaranka Khadar Cali Gaas.

Sida ay warar xog-ogaal ahi u sheegeen shabakada Wajaalenews.com, hanta dhawrka Guud gelistiisa ayaa ka dambaysay ka dib markii sida la sheegay Maareeyaha lagu eedeeyay inay jirto wax dabamarini.

Laakiin ma jiraan wax war ah oo rasmi ah oo ay hanti dhawrka guud iyo Wasaaradda Warfaafinta midkoodna ka soo saaray arrintani.

Sida ay wararku sheegeen gelista hanti dhawrka ee TV-ga Qaranku waxay la xidhiidhaa khilaaf beryahanba u dhaxeeyay Wasiirka Warfaafinta C/laahi Cukuse iyo Maareeyaha TV-ga Qaranka, isla markaana ay taasi sababtay in wasiirku amro in aanu Maareeyuhu soo gelin xarunta TV-ga oo ay wasaaradda warfaafintuna ku dhex taalo.

Maaha markii ugu horeysay ee khilaaf noocani oo kale ahi ka dhex qarxo Wasaaradda Warfaafinta, laakiin waxay ahayd horaantii sannadkan markii khilaaf ka dhexmaray Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale iyo Maareeyihii xilligaas ee TV-ga Qaranka, Axmed Saleebaan DHuxul uu galaaftay wasiirkii Warfaafinta, iyada oo isla xilligaasi madaxweynaha Somaliland soo saartay degreeto uu ku magacaabay Maareeyaha TV-ga Qaranka Khadar Cali Gaas, isla markaana Wasiir Cukuse xilligaasi loogu magacaabay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta. Ka hor intii aan badhtamihii sannadkan loo magacaabin Wasiirka Warfaafinta.

Khilaafka hore u dhexmaray masuuliyiinta Wasiirkii Warfaafinta Boobe iyo Maareeyihii TV-ga Dhuxul wuxuu la xidhiidhay arrimo ku saabsan sida loo isticmaalo kharashaadka ay xukuumaddu ku bixiso Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana waxa wasiirka oo safar debada ugu maqan wasaaradda la geliyay Hanti dhawr, waxaana shaqadii laga joojiyay Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee TV-ga Qaranka Mr. Xasan. Iyada oo markii uu Wasiirku soo noqdayna bedelay Maareeyihii TV-ga iyo Gudoomiyihii Wargeyska Dawladda ee Dawan, taasina waxay keentay in madaxweynuhu bedelo Wasiirkii Warfaafinta, isla markaana Maareeyahan xilligan ee Tv-ga Qaranka loo magacaabay xilka, iyada oo xilligaasi magacaabista lagu sheegay in Tv-ga laga madax banaaneeyay Wasiirka.

Mase cadda inuu Wasiirka Warfaafintu awood u leeyahay inuu Maareeyaha TV-ga shaqada ka joojiyo iyo inkale iyo inuu Wasiirku dalbaday Hanti dhawrka toona.http://www.google.so/imgres?imgurl=http://somaliland24.com/wp-content/uploads/2012/10/101.jpg&imgrefurl=http://somaliland24.com/?p%3D5960&h=264&w=200&sz=16&tbnid=vjkea2PWx7AFNM:&tbnh=90&tbnw=68&zoom=1&usg=__L6t2WB1gHEPKFXKnxOOMwfBYMPI=&docid=pAeO4Y3FWUT_ZM&sa=X&ei=AfidUqe-OuiAywPinIK4Cg&ved=0CDgQ9QEwBg

COMMENTS
LINKS