|
|||||
WAJAALE NEWS
Hanti Dhawrka Guud Oo Albaabada U Laabay Meelo Uu Tuhun Fadhiyo, Hawlwadeenada Wasaarada Warfaafinta Oo Talaabo Lagu Diirsado Ku Tilmaamay Dhaq-dhaqaaqa Wasiir Cukuse iyo Khadar Cali Gaas Oo Ay Ku Ciirtay
December 4, 2013 - Written by editorHargeysa (Wajaale-News ) – Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa si diiran u soo dhaweeyay Talaabada uu qaaday Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Talaabadan oo uu wasiirku ku ogaaday in ay jiraan Musuq Baahsan oo ka dhex jira Maamulada Hoose ee Telefishanka Qaranka iyo idaacada, taas oo badka soo dhigtay in ay jiraan lacago lagu qaadan jiray Magacyo ka mid ah shaqaale wasaaradaasi hore uga tirsanaa, balse rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee geeriyooday, kuwo shaqooyin kale helay iyo kuwo dalka dibadiisa ku maqan. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa shaqadii ka joojiyay Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas oo ay fadhido tuhuno la xidhiidha in uu naas nuujin jiray xubno ay saaxiibo dhaw yihiin, halka kuwo hadh iyo habeenba u shaqeeya Telefishanka Qarankana uu u qoray lacago aad u hooseeya. Hanti dhawrka guud ee Qaranka ayaa labadii cisho ee ugu dambeeyay galalafayay Xarunta Telefishanka Qaranka, waxaanay baadhintaan ku samaynayaan Goobaha Dakhliga ee Telefishanka Qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa, kuwaas oo aan ilaa hadda natiijadeedu dibada u soo bixin. Geesta Kale Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu habeenkii xalay ahaa isa soo hor fadhiisiyay labada masuul ee Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas iyo Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Madaxweyaha ayaa Waxa uu dhagaystay warbixinta Wasiirka Warfaafinta Somaliland uu ku durayo musuqa iyo waliba wax isdaba marinta ka jirta Telefishanka Qaranka, balse Waxa ay wararku sheegayaan in uu Maareeyaha Telefishanka Qaranku soo rogan Waayay hadalka, isla markaana iska difaaci kari waayay Weerarka Wasiirkiisa Wasaaradaasi. Madaxweynaha ayaa si dhab ah uga madax ruxay waxyaabaha uu soo bandhigay Wasiir Cukuse, waxaana la isla qaatay in Hanti-dhawrku ay hawshooda halkaasi ka sii wadaan. Si kastaba ha ahaatee hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa soo dhaweeyay talaabadan, waxaanay ku tilmaameen mid lagaga fujinayo dul badan oo ay muddo dheer tirsanayeen. ?Walaahi waa talaabo fiican aniga iyo inta kale ee ila midka ahibana waanu soo dhaweynaynaa? ayuu yidhi mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo ka gaabsaday in Magaciisa La Sheego. Isku soo wada duubo wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo ay ka hawl-galaan dad ku dhaw 300 oo joogto ah halka qolada ku meel gaadhka ahina ay ku dhaw yihiin 200, ayaa la filayaa in ay cadaalad u helaan hawlaha ay qaranka u hayaan. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|