HADALKA DUULAY DAAYOO REERKA DAALAY DEJI (Talo soo jeedin ku socota Madaxweynaha JSL) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
HADALKA DUULAY DAAYOO REERKA DAALAY DEJI (Talo soo jeedin ku socota Madaxweynaha JSL)
December 11, 2013 - Written by Editor:

 hargeisa (wajaalenews) Sicir baraku hoos buu u dhacayaa Bankiga dhexena wuxuu yeelanayaa awood uu ku xakameeyo Sicir bararka oo intuba saamayn weyn ku leedahay nolosha bulshda

 u_118321d_2013-12-11-10-32-4f_economy gg

Talo soo jeedin ku socota Madaxweynaha JSL

Mudane Madaxweyn

1.         Waxaad Somaliland U doonaysay aqoonsi caalami ah  intii aad kursiga ku fadhiday, mana soo muuqdo.  Haddaba ma laga yaabaa in aqoonsiga caalamiga ah uu keenikaro UMMADDA REER SOMALILAND OO HORTA AYADU IS AQOONSATA oo ay kow ka tahay MAAMUL WANAAG ( Good governance) IYO JIHAYNTA DHAQAALAHA SAAMAYNTA XOOGGA AH KU LEH NOLOSHA BULSHADA.

0in 0in 10pt”>Sida xaalku hadda yahay waa:Taajirkiina macaashkiisu circka ha isku shareero bulshdii oo 80% shaqo li?na (oo 70% dhalinyaro ihi) Badda ha isku gurto.

AQOONSIGA CAALAMIGA AH  WAXAA KEENA UMMADDA OO HORTA IS AQOONSATA :

2.ISAQOONSIGA UMMADEED ? QAYBTA 1wad

1          Dib u habaynta Bankiga dhexe:

?           Ugu horrayn in barlamaanku ansixiyo xeerka banka dhexe ee Muddada la yaalay.

?           In dhamaan deeqaha ah lacagta adag  ( Foreign currency) ee loogu deeqo JSL  la dhigo Bankiga dhexe

?           In Bankiga Dhexe ( The central Bank) uu ka furto xisaab debadda ( External current account)

?           adeay ugu horrayso $52 milyan ee toos ka ah ( Direct Aid) ee ay ku deeqeen Ingriiska iyo Denmark.  Waxaa kaloo lagu shubilahaa wax alle iyo lacag adag ah ee loogu deeqo JSL , Lacagta qalaad ee ka soobaxda xoolaha la dhoofiyo , kuwa ay bixiso Somaliland business fund , kuwa ay bixso Dai USA iyo dhamaan wixii kaalm lacag adag ah ee ina soo gala.

?           Marka lacagahaa lagu shubo Xisaabta debedda  Waxaa Xukuumaddu AMAR KU SOO ROGAYSAA in Xoolo dhoofinta iyo soo dejintuba badeecadaha ku dhacdo habka ictimaadada. ( Exports & Imports by way of L/cs)

?           Ictimaadada Dhoofinta xoolaha/Soodejinta badeecadaha waxaa laga furikaraa Dahabshill International Djibouti.

?           Waxaa suuro gal ah in baanan kale oo tijaari ihi oo caalami ihi  ka hawl galaan JSL.

?           Marka Baanka dhexe lacagi debadda u taallo qumaati bay JSL uga mid noqonaysaa suuqyada lacagaha lagu kala wareejisto (International Clearing and reimbursement systems). Aduunyada waxaa baanan ka furan si xor ah ayaa Bankiga dhexe ee JSL  xisaabo uga furankaraa kumana xidhna ictiraaf.  Baananka adduunku waa jecelyihiin lacag la taalla oo aan faaiido laga doonayn waayo waa ku shaqaysanayaan.

?           Haddii habkan ictimaadadu hirgalo waxaa saamayn weyn ay ku yeeldoontaa nolosha bulshada caam ahaan.  Waxan  filayaa markabka bariiska ah ee taajirku qumaati uga keeno India inuu 40% ka jabnaanayo kan uu ka keeno khaliijka.  Wixii ictimaad lagu keenaaba sidaasbay 40% uga jabnaankarta waxan khaliijka laga soo iibsado.

?           Sicir baraku hoos buu u dhacayaa Bankiga dhexena wuxuu yeelanayaa awood uu ku xakameeyo Sicir bararka oo intuba saamayn weyn ku leedahay nolosha bulshda caam ahaanba. Macnaheedu waxa weeye in maceeshaddu jabto dadkuna nolal ka wanaagsan tan maanta uu ku noolaado. Tan ugu weyn waa  ganacsiga gaarka ah ( Private sector) oo  u kora oo shaqooyin u abuura dhalinyarada.

2.ISAQOONSIGA UMMADEED QAYBTA 2aad :

Furitaanka Baanka Horuumarinta Somaliland ( Somaliland Development Bank (SDB)

1.         Bankigan oo raasamaal yar loo sameeyaa wuxuu wax weyn ka tarilahaa:

?           Wax soo saarka gaar ahaan:

1. xoolaha iyo xoolo dhaqatada oo aad mooddo inuu bilaabmayo dabar go?oodi:Daryeeli?,daaqxumo iyo daaweyn la?aan.

2.beeraha iyo Kaluumaysiga.

2. Bankigan wuxuu dhiirigelinlahaa soo celinta seerihii jilaalada lagu baxsanjiray.  7ba ban oo waaweyn oo la seerkarro ayaa ku yaal JSL.

3. wuxuu dhiirigelinalahaa mashruucyada ku saabsan sidii loo fadhiisinlahaa biyahan badda gelaya. Wuxuu dhiirigelinlahaa Dhaamam waaweyn ( Xafiir Dhaamska caanka ku ah Ethiopia)   Sdiaas oo keliya ayaa lagu dabaqabatayn-lahaa xoolahan iyo dadka isku dul dhintay ee jirtaanka umadda Somalilaandna salka ku hayso. Ilaahay wuxuu sheegay in nolasha aadamuhu tahay biyaha ilaahay,SWT, samada ka keeno  و في السماء رزقكم وما توعدون) ) oo macnaheedu noqonoyo riziqa aa ku nooshiheen samada ayuu ka yimaaddaa oo ah biyahan ilaahay wax walba ka sameeyay ( و جعلنا من الماء كل شيئ حيا) iyo janada la idiin ballan qaadayaaba. Haddii dawladdu bartilmaameed ka dhigato biyaha khasaaraya oo si fiican looga faaiidaysto, oo aaanay waxkaleba qaban, waxaan shaki ku jirin in iskufilaansho JSL gaadhi lahayd.

4.Wuxuu dhiirigelinlahaa in Dhakhtarada xoolaha nooli  si  hawl yar loo helikaro

SANADDA 2014:

Haddii , aad madaxweyne, ku hogaamiso umadda reer Somaliland HAB QORSHAYNTAN AAN LABADA QAYBOOD KA DHIGAY sanadda cusub ee 2014, Bulshada reer Somaliland kalsooni buuxda ayay ku sugi lahayd aqoonsiga caalamiga ah intuu doono ha qaatee.  Xisbul-xaakimkuna kalsooni bulshada kaga helilahaa halka uu kalsooni kaga doonayo Xamaasad qaadhaan lagu doonayo, aware iyo boodh meelwalba ka kacay iyo waddo cusub baannu dhisaynaa (Burao/Ceerigaabo=360km ka dib markii xukuumaddu  dhamayn kariweyday Burao/Odweine/Hargeisa = 90KM Mise dawlad kalaa u maqan Burao/Odweyne/Hargeisa)

KHILAAFKA BARLAMAANKA JSL:

1.         Madaxweyne heshiisii shirguddoonka Golaha wakiilada sidii adiga iyo ku xigeenkaaga ay u heshiisiiyeen.

2.         Guddoomiye kasta oo jooga, si kasta oo guddiyada la isugu id xidhmaan.

3.         Si hawl yar baa goluhu arrimihiisa u dhamaysanayaa HADDII SE XUKUUMADDU FARAHA KALA BIXIWEYDO OO AY GARAB RAACDO AYADA AYAA KHASAARE WEYN KU QABTA.

 

DOODDA QARAN  :

1.         JSL waa qaran aad madaxweyne ka tahay.

2.         Doodda qaran waxay ku saabsantahay xukuumaddu waa ka dheregsantahay jawaabahana wey u haysaa. Talona wey ku yeelanaysaa sida uu u qabsoomayo.

3.         Doodda qaran waa dood xukuumadda wax la weydiinayo, xukuumadduna siday wax u jiraan uga jawaabayso.

4.         go?aamaa ka soo bixi. Fulinta wixii fulikarana xukuumaddu way balan qaadi.

5.         Aniga waxaa ii muuqata inaan wax dawladdu u diiddo ama u aflagaadayso raggii naftooda u huray ee badhana shahiiday rag aad ku jirtaana ka sii noolyihii, oo aan weliba dayeel la sheego an qabin.

Wa billahi towfiiq

Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf

COMMENTS
LINKS