Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Oo Ka Hadlay Qabashada Carwada Somaliland Ee Sanadkan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Oo Ka Hadlay Qabashada Carwada Somaliland Ee Sanadkan
December 30, 2013 - Written by Wariye:

rugta ganacsigaHargeysa (Wajaale News)- Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md Maxamed Shukri ayaa maanta faah faahin ka bixiyey qaban qaabada iyo halka ay marayso carwadii Somaliland ee oo todobaadkan lagu soo bandhigi doono Hotel Guuleed Ee Magaaladda Hargeysa.

gudoomiyaha ayaa sheegay in qabashada carwadani ay ka mid tahay horumarka ay Somaliland gaadhay iyo nabad galyada, taas oo uu sheegay inay astaan u tahay nabada iyo deganaanshaha dalka, waxaanu yidhi:-

“Carwadu waxa weeye carwadii qaran ee Somaliland oo sanadkiiba mar la qabto, waxaana qabta Rugta Ganacsiga Somaliland Hadii Alle yidhaahdo, waxaana loogu tala galay inay ganacsatadu ku soo ban dhigeen dalkeena waxa yaala iyo kuwo la soo dajiyaba, mar labaadkana ganacsata qudhooda ayaa fursada loo siiyaa inay wax soo saarkooda soo bandhigaan si ay dadku u bartaan oo ay suuq uga helaan”

gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:-

“sirta ugu weyn eek u jirtaa waxa weeye in aduunyada aynu tusno in Somaliland horumar gaadhay oo carwo noocaas ah la dhigi karo oo maamul ahaan iyo nabad galyo ahaan tilmaamaysa in dawladaha waaweyni ay carwooyinka noocan ah qabtaan, waana mid sawir ka bixinaysa horumarka Somaliland, markaa taas ayaanu hada ku hawlanahay”

 

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS