Gudoomiyaha Guurtida Oo Si Koban Uga Xogwaramay Kulan Shirgudoonkoodu La Yeeshay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Guurtida Oo Si Koban Uga Xogwaramay Kulan Shirgudoonkoodu La Yeeshay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
December 16, 2013 - Written by Wariye:

saleeban nuurHargeysa, (Wajaale News) Gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo shir gudoonkoodu ay shalay kulan iriduhu u xidhan yihiin oo saxaafadu dibada ka joogtay la yeeshay gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani oo saxaafadu kulankaasi ka dib wax ka waydiisay gudoomiye Saleebaan waxyaalaha ay kulankaasi kaga wada hadleen ayaa si kooban u sheegay inay danaha qaranka ka wada hadlayeen.

Gudoomiyaha golaha Guurtida ayaa sidoo kale

sheegay inuu tamar daro jirta awgeed aanu u gudan karin doorkii xilgudasho ee golahooda guurtidu ku lahaa xalinta khilaafaayada siyaasadeed ee dalka ka oogan oo tiisiiba cuslaysay.

Hase yeeshee Gudoomiye Saleebaan oo la waydiiyey in xisbiyada mucaaridku ku eedeeyaan isaga in mudadii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo xilka la wareegay aanu xaaladaha dalka uga hadal sidii waagii hore, isla markaana Madaxweynayaashii hore uu mucaarid adag ku ahaa, ayaa ku jawaabay ,Wixii qaldan waa laga hadlayaa hadii aanay waxba qaldanayna lagama hadlayo, raalaad ahaanaysaa.

Mar sidoo kale la waydiiyey inuu aaminsan yahay in aanay jirin wax qaladaad ah oo xukuumadu ay ku talaabsatay, oo wax walibana ay saxan yihiin ayaa waxa uu gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ku jawaabay waar na daa.

Gudoomiyaha golaha guurtida oo la waydiiyey su?aal ahayd sababta uu uga qaybgali waayey khilaafyada ka dhex taagan xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ah maadaama golahoodu waayadii hore ay door dhexdhexaadina ka gali jireen ayaa waxa uu ku jawaabay ,Waaryaadha xilkayga ma qabsadaa, taydii baa I cuslaysaye.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS